Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Mucaaradka Koonfur Galbeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Mucaaradka Koonfur Galbeed

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Siyaasiyiina Isbedel-doonka Koonfur Galbeed oo maanta gaaray magaaladaasi.

Siyaasiyiintan oo uu hoggaaminayo Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Madaxweynaha kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, sidii Doorashada Madaxtinimada ee Koonfur Galbeed loo qaban lahaa iyo iyagoo bogaadiyay doorka hoggaamineed ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee dagaalka dib-u-xoreynta dalka.

“Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed oo Dhuusamareeb u yimid garab istaagga Ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo talooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka iyaga oo muujiyay, sida ay uga go’an tahay in ay qaataan doorkooda dagaalka ciribtirka Khawaarijta.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa Siyaasiyiinta Mucaaradka ugu baaqay in loo midoobo dagaalka lagu la jiro Al Shabaab, si muddo kooban dalka lagaga saaro, isagoo dhanka kalena soo jeediyay in isu tanaasul iyo wadatashi lagu dhameeyo xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Gudoomiyeyaashii hore iyo Siyaasiyiinta warbixin ka siiyay guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka argagixisada ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in loo midoobo sidii waqti kooban dalka looga saari lahaa Khawaarijta, isaga oo adkeeyay in midnimo, isu tanaasul iyo wadatashi looga gudbo arrimaha lagu kala aragtida duwan yahay, si loo gaaro Somaliya xor ka ah argagixisada.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Mucaaradka ayaa doonaya in ugu dambayn bisha January la qabto Doorashada Madaxtinimada ee Koonfur Galbeed, bacdamaa ay bisha November ku egtahay waqtiga heshiiskii sanadka dheeriga ahaa ee xafiiska uu ku sii joogayay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), waxaana la fahamsan yahay in ay Madaxweyne Xasan Sheekh weydiisteen in la dhaqangeliyo heshiiskaasi.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegeysa in Madaxweyne Laftagareen uu xafiiska sii joogi doono, maadaama heshiiskaasi uu ka dambeeyay heshiiskii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ay 27-kii bishii May ku gaareen Magaalada Muqdisho, ee ahaa in la mideeyo xilliga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc