Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Difaaca Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Difaaca Talyaaniga

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Difaaca Talyaaniga, Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga amni ee labada dal, xoojinta wada shaqaynta, doorka Dowladda Talyaaniga ee dib-u-dhiska & tayaynta Ciidamada Qalabka Sida, taageerada iyo garab istaagga Dowladda Somaliya ee ku aaddan dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow.

Admiral Giuseppe Cavo Dragone oo muddo dheer ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Badda ayaa bishii October ee sanadkii 2021 loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Difaaca.

Waa booqashadii ugu horreysay ee uu ku yimaado Magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu xilkaasi qabtay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc