Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo reer Galmudug kala hadlay xoojinta gulufka bilowday (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo reer Galmudug kala hadlay xoojinta gulufka bilowday (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Magaalada Dhuusamareeb kulamo kula yeeshay Odayaasha Dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta dadka reer Galmudug ku metela Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha ayaa dhinacyadan kala hadlay dardargelinta hawlgalka militari ee ka bilowday qaybo ka mida deegaanada Galmudug.

“Madaxweynaha ayaa dhaqanka, siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay, sidii ay uga qayb qaadan lahaaayeen, halganka dib loogu xoreynayo deegaanada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysaneyso Galmudug, si dhibaatooyinka nololeed, amni iyo horumar la’aan looga dulqaado shacabka ay muddada dheer afduubka u haystaan.” Ayaa lagu yiri qoraal caawa ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo tan iyo 5-tii bishan ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa gadaal ka riixaya dardargelinta gulufka la doonayo in lagu soo geba-gabeeyo waayihii maleeshiyada Al Shabaab ee Gobolada Dhexe.

Madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb ka sameystay bar uu kala socdo gulufka uu qorshihiisu yahay in Shabaabka lagaga saaro Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug.

Dadka reer Galmudug oo muddooyinkii ugu dambeysay lagu wacyigelinayay la dagaalanka Al Shabaab iyo sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen ayaa waxaa muuqata in hadda ay dagaalkaasi u diyaarsan yihiin.

Abaabulka iyo hawlgelinta xoogaga deegaanka ee dagaalka ka qayb qaadanaya ayaa waxaa mooddaa in ay caqabad ku yihiin joogitaankii Shabaab ee Mudug iyo Galgaduud, maadaama ay yihiin kuwo dhulka kala garanaya, ciidamadana ku riixeysa in Shabaabka uga daba taggaan rug kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc