Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Somaliya iska difaaci doonto Itoobiya, haddii ay ku soo xadgudubto

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Somaliya iska difaaci doonto Itoobiya, haddii ay ku soo xadgudubto

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Somaliya ay is difaaci doonto, haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo dhaqangelinta heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay 1-dii bishii January la gaartay Somaliland.

Heshiiska ayaa Itoobiya u ogolanaya in 30 sano ka dib ay deked ka hesho Badda Cas, iyadoo Somaliland ay sheegtay in heshiiska uu dhigayo in Addis Ababa laga kireeyo 20km oo marin badeed, si ay ugu bedelato aqoonsi.

“Haddii Itoobiya ay ku adkeysato, Somaliya way iska caabin doontaa, wayna diidi doontaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya oo wareysi siiyay Reuters.

Madaxweynaha ayaa wareysiga ku sheegay “Haddii ay dalka soo galaan, Somaliya waxay samayn doontaa wax walba oo ay isku difaaci karto.”

Madaxweynuhu ma sheegin tallaabada ay Somaliya qaadi karto, waana xilli Geeska Afrika si weyn looga dareemay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan labada dal.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay keliya in Villa Somalia ay aqbali doonto in arrintan ay kala hadasho Raysal Wasaare Abiy Ahmed, marka Addis Ababa ay ka tanaasusho rabitaankeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa iftiimiyay inaanu ku tala jirin in uu dalka ka eryo ku dhawaad 3,000 oo askari oo ka mid ah Ciidamada Itoobiya, oo qayb ka ah Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Hawlgalka ATMIS.

Raysal Wasaare Abiy Ahmed ayaa daba-yaaqadii bishii January sheegay inaysan doonayn dagaal ay la galaan Somaliya.

“Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ma jiraan wax noo dhaxeen kara, oo na dhex dhigi kara xurguf iyo colaad.” Ayuu yiri Abiy Ahmed oo xilligaasi ka hadlayay shir xubnaha xisbigiisa ay ku yeesheen Magaalada Addis Ababa.

Labada dal ayaa leh taariikh dagaal oo laga xusi karo dagaalkii dhex maray sanadkii 1977-kii ee socday illaa horaantii 1978-kii.

Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof ayaan wax deked ahi lahayn, tani oo dhaqaalaha dalkaasi ka dhigtay sida la sheegay mid aan u korin, sidii la rabay.

Dalka 2aad ee Afrika ugu dadka badan ee Itoobiya ayaa bad la’aan ahaa, tan iyo markii ay Eritrea ka go’day dalkaasi, sanadkii 1993-kii.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc