Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray hawlgalada ay ciidamadu ka wadaan gobolada dalka qaarkood.

“Madaxwaynaha Jamhuuriyadda oo golaha uga warbixiyay halganka uu hoggaaminayo ee Khawaarijta looga sifeynayo deegaanada ay kaga harsan yihiin dalka ayaa tilmaamay in hawlgalada ka dhanka ah Khawaariijta uu marayo heer geba-gabo ah, isagoo ku bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed garab istaagga ay u muujiyeen Ciidamada Qalabka Sida, oo si naf hurnimo leh uga adkaaday cadowga argagixiasada ah.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Warka ayaa lagu sheegay “Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa golaha ku dhiirageliyay dadaaladda ay ku bixinayaan dib-u-dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhameystirka xeerarka muhiimka u ah dowlad dhiska iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.”

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh, Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa ka qaybgalay olole dhiig loogu shubayo Ciidamada Qalabka Sida ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al Shabaab.

Ololaha dhiig shubista ayaa waxaa la sheegay inay soo abaabuleen dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoona dhiiggaasi ciidamada loo dhigayo Xarunta Bankiga Dhiigga Qaranka.

Raysal Wasaare Barre ayaa 5-tii bishii August xarigga ka jaray Xarunta Bankiga Dhiigga ee Magaalada Muqdisho, taas oo caasimadda dib looga hawlgeliyay muddo soddon sano ka dib.

Bankiga Dhiigga Qaranka oo la aasaasay sanadkii 1976-kii ayaanan hawlgelin soddonkii sano ee ugu dambeysay, waxaana dib-u-hawlgelintiisu ay buuxin doontaa baahi weyn, oo ay dadka Soomaaliyeed u qabeen in ay helaan kayd loogu hagaago dhiigga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku foogan dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada ayaa dadaal badani ku bixinaya, sidii uu hawlgalkaasi u guuleysan lahaa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc