Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada, kaas oo ka qabsoomi doona Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Gobolka Banaadir.

Villa Somalia ayaa sheegtay in shirka uu Muqdisho ka qabsoomi doono, inta u dhaxeyso 20-ka illaa 21-ka bishan April.

“Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonnaa arrimo masiiri ah, oo ay ka mid yihiin la dagaalanka argagixisada iyo dhameystirka dastuurka dalka.” Ayaa lagu yiri warqadda martiqaadka ee Madaxweynuhu u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ah shir ay yeeshaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Raysal Wasaare Kuxigeenka, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan oo labadii biloodba mar la qaban jiray ayaan qabsoomin, tan iyo bishii August ee sanadkii hore, waana shir inta badan looga hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Ma cadda in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu ka soo qaybgeli doono shirkan iyo in kale, waana xilli saddexdii shir ee ugu dambeysay aanu ka soo qaybgelin.

Madaxweynaha Puntland ayuu khilaaf kala dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka, iyadoona uu khilaafkoodu salka ku hayo arrimo siyaasadeed. Cilaaqaadka labada dhinac ayaana gaaray meeshii ugu hooseysay.

Puntland ayaa dhawaan sheegtay inay aqoonsigii kala laabatay Dowladda Federaalka, ka gadaal markii ay si weyn uga hortimid wax ka bedelka Dastuurka KMG.

Haddii Deni aanu ka soo qaybgelin shirkan ayaa wuxuu noqonaya kiisii afaraad oo xiriir ah, oo uu dibadjoog ka yahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc