Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirar kaga qaybgelaya Caasimadda Riyadh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirar kaga qaybgelaya Caasimadda Riyadh

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay gaaray dalka Sacuudiga ayaa lagu wadaa in halkaasi uu saddex shir kaga qaybgalo.

Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Qaranka, Cabdiqaadir Cali Dige ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu Caasimadda Riyadh kaga qaybgelayo Shirka Jaamacadda Carabta, Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Shirka Sacuudiga iyo Afrika.

Agaasimaha ayaa sheegay in Shirarka Dowladaha Islaamka iyo Wadamada Jaamacadda Carabta looga arrinsanayo xaaladda Falastiiniyiinta.

Waxa uu sheegay in Madaxweynuhu uu halkaasi ku soo bandhigi doono mowqifka shacabka iyo Dowladda Federaalka ee ku aaddan dhibaatooyinka ay Israel ku hayso shacabka Falastiiniyiinta.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ayaa wuxuu ku soo bandhigi doonnaa mowqifka shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan xaaladda dadka Falastiiniyiinta ah ay ku sugan yihiin iyo dhibaatooyinka loo gaysanayo.” Ayuu yiri Agaasime Dige.

Dige ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay “Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wuxuu ka qaybgeli doonnaa Shirka Wadamada Afrika iyo Sacuudiga, oo isagana ka qabsoomi doona isla Magaalada Riyadh.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii ugu dambeysay arrimo caafimaad u joogay dalka Emirate-ka Carabta.

Dige ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu dalkaasi ku maray qaliin yar, oo looga sameeyay sida uu sheegay garabka, isaga oo intaasi ku daray in xaaladda Madaxweynaha ay tahay mid wanaagsan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc