Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag uga horyimid heshiiska Itoobiya iyo Somaliland (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag uga horyimid heshiiska Itoobiya iyo Somaliland (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay heshiiskii ay Isniintii Magaalada Addis Ababa ku gaareen Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaas oo u ogolanayo Itoobiya inay deked ka hesho Badda Cas.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa is dul istaagay taariikhda qotadadheer ee ka dhaxeysa Somaliya iyo Itoobiya, isagoona sheegay in aragtida ay qaateen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee ku dhisan nabadda, deris wanaagga iyo wada noolaanshaha aysan ka dhignayn inay yihiin dad si fudud lagu qaadan karo dhulkooda iyo baddooda.

“Dadka Soomaaliyeed si dhab ah ayay u qaateen in ay colaadda ka jeestaan oo qaataan nabad, deris wanaag iyo wada-nolaansho, waana midda aan ku keennay halkudhigga aan maanta haysanno ee Soomaali Heshiis ah, dunidana heshiis la ah, duniduna waxay ka bilaabata deriskeenna. Itoobiya xumaanteeda, burburkeeda iyo kala qaybsanaanteeda kama aanan shaqayn, annagoo weliba haysana asbaabo badan oo dad badan ay jeclaan lahaayeen in aan uga shaqayno.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in heshiiska is afgaradka ee lagu gaaray Addis Ababa aanu noqon doonin mid dhaqangal ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tallaabada uu ku dhaqaaqay Raysal Wasaare Abiy Ahmed ay tahay mid nasiib darro ah, ayna fursad uun siineyso Al Shabaab, si ay u qorato xoogag cusub, xilli Dowladda Soomaaliyeed ay ku howlan tahay ciribtirtooda. Madaxweynaha ayaana ka digay caawaqib xumada amni iyo bulsho ee gobolku uu ka dhaxlayo.

“Raysal Wasaare Abiy Ahmed waxaan leeyahay fara-gelintii Meles Zenawi uu ku sameeyay Somaliya waxaa ka dhashay Al Shabaab. Maanta oo aan Shabaabkii ka adkaanay oo madaxdoodii in badan isa soo dhibayaan, dhulkiina aan badankiis ka xoreynay, fursad kale in loo abuuro Al Shabaab oo dhallinyaradeenna ay ku soo xareystaan nama qabato, gobolkana ma qabato.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa yiri “Taariikhda walaalaheenna Waqooyiga Somaliya waxaa ku jirta in qarniyo hore ay diideen in gumeystaha carruurtiisu ay ku dhalato dalka. Heshiisyada ay galeen waxaa ka mid ah in haweenka gumeystaha ay ku soo dhalaan dalka dibaddiisa, si aysan u sheegan berri xuquuqda dalka. Waa taariikh hore oo maqaar (harag) ku qoran. Maanta haddii ay noolaan lahaayeen maxay dareemi lahaayeen? Maanta qarniga 21-aad awooweyaashaas qaar ka mid ah carruurtoodii haddii ay leeyihiin dalkii baan gobol ka mid ah bixinaynaa, haddii ay maqli lahaayeen in uu wadnuhu istaagi lahaa baan u malaynayaa.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyay inaysan aqbali doonin in la qaato taako ka mid ah dalka, cid bixin kartaana aysan jiri karin.

“Cid awood u leh in ay bixiso cad ka mid ah dalka Somaliya ma jirto. Awooweyaasheen baa diiday, aabeyaasheen baa diiday, hooyooyinkeen iyo ayeeyeyaasheen baa diiday, annagaa intaan nooleyn diidnay. Sina suurtagal kuma ahan inta yarta ah ee Soomaaliyada aan maanta haysanno oo aan weiba hoosta ka qabno in badan ayaa naga maqan oo anan ahayn in ay naga maqnaato, haddana aan ku ballanay in aan intaan horumarsano, nabadeyno, dadka ku nool iyo deegaanadeen aan qurxisano aan ku balannay, maanta in cad ka mid ah uu baxo ma ogala dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dowladda Itoobiya ugu baaqay in ay ka shaqeyso nabad ku wada noolaashaha, xilligan oo duruufo adag ay ka taagan yihiin Geeska Afrika, oo ay ka mid yihiin isbedelada cimilada iyo argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc