Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhaweeyay Baydhabo (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhaweeyay Baydhabo (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Shaati-gaduud ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Labada Gole ee Koonfur Galbeed, Saraakiisha Ciidamada, Odayaasha Dhaqanka iyo haweenka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa Baydhabo u tegay dardargelinta gulufka dagaal ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

“Madaxweyne Xasan Sheekh oo inta uu joogo Baydhaba booqan doona deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa xoogga saaraya abaabulka hawlgalada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al Shabaab, oo wejiga labaad laga fulin doono deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Laftagareen ayaa toddobaadkii hore Baydhabo kaga dhawaaqay in wejiga labaad ee hawlgalka uu si dhakhsi ah uga bilaaban doono deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muruq iyo maalba ku bixinaya, sdiii uu u guuleysan lahaa hawlgalka militari ee dalka looga sifeynayo kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc