Home Wararka Caalamka Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Madaxda Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan, Odayaasha Dhaqanka, haweenka iyo dhallinyarada deegaanka.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa intaasi ka dib loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Galmudug, iyadoona si weyn loo adkeeyay amniga magaalada.

Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa iska kaashanaya dadaalada lagu xaqiijinayo amniga magaalada.

Ciidamada ayaa hakiyay isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee magaalada. Ciidamada ayaa sidoo kale lagu arkayaa waddada ka baxda magaalada ee tagta Garoonka Ugaas Nuur.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa Dhuusamareeb kulamo kula leh odayaasha beelaha iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in halkaasi uu kaga dhawaaqo wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegaya in uu degayo magaalada, si uu uga la socdo dardargelinta gulufkan la qorsheeyay in Shabaabka lagaga saaro deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.

Madaxda Qaranka ayaa la dhacsan sida weyn ee ay isu abaabuleen shacabka reer Galmudug, oo markaan doonaya in ay si buuxdo isaga dulqaadaan maleeshiyada Shabaabka, ka dib 15 sano oo ay duldeganaayeen.

Gulufka laga bilaabayo Galmudug ayaa fure u noqon doona hawlgalka, iyadoo ayna tahay in maalmaha xigga uu ku fido Hirshabelle, halka loogu dambeysiinayo dhulka Shabaabku ka maamulaan Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Shabaabka ayaa hadda Galmudug ka haysta Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug, halka Hirshabelle ay ka haystaan daanta galbeed ee Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Shabaabka ayaan xilligan labadaasi maamul ugu xooganayn, sidii ay ugu xooganaayeen bartamihii sanadkii hore. Wejigii hore ee hawlgalka oo bilowday bishii September ayaa la fahamsan yahay in lagu kala dhantaalay cuddudii Al Shabaab ee Gobolada Dhexe, iyadoona laga saaray inta badan dhulkii ay ka joogeen goboladaasi.

Booqashadan ayaa noqonayso tii saddexaad ee Madaxweynuhu ku taggo Dhuusamareeb, tan iyo intii dib loogu soo doortay xafiiska. Billihii June iyo November ee sanadkii hore ayuu sidaan oo kale Madaxweynuhu u booqday Dhuusamareeb.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc