Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha Puntland

by Laacib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ee la xiriira arrimaha doorashooyinka ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa xalay shaaciyay in maamulkiisu uu ka tanaasulay doorashadii qofka iyo codka ahayd ee lagu waday in Puntland ka qabsoomto, isagoona xusay in dib loogu laabanayo qaabkii hore ee lagu soo dooran jiray Madaxweynaha iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay dadaalada Odayaasha Dhaqanka Puntland iyo go’aanka Madaxweyne Deni, si Puntland ay uga qabsoomto doorasho heshiis lagu yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in go’aanka Madaxweyne Deni & kaalinta Waxgaradka iyo Isimada Puntland ay yihiin tallaabooyin xoojinaya xasilloonida iyo horumarka siyaasadeed ee Puntland iyo guud ahaanba Somaliya.

“Puntland waxa ay xudun u tahay nidaamka federaalka ee dalka, waa tusaalaha nabadda iyo wadajirka, sidaas awgeed waxaan adkeynaynaa dadaalada Odayaasha Dhaqanka iyo waxagaradka. Waxaan Alle ka baryayaa in doorashadaasi ay ku idlaato is faham iyo jewi nabadeed oo ka tarjumaya sooyaalka deegaanada Puntland.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo warkan ku sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Go’aanka Madaxweyne Deni ayaa soo afjaraya hubinti la’aantii muddada ka jirtay arrimaha doorashooyinka ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeysay wajaheysay khilaaf xoogan oo ka dhashay doorashadii qofka iyo codka ahayd ee ay gadaal ka riixeysay Madaxtooyada Puntland.

Madaxtooyada ayaa dadaal badani ku bixineysay, sidii bulshada reer Puntland ay markan codkooda ugu soo dooran lahaayeen Madaxweynaha xigga iyo Xildhibanaada Golaha Wakiilada, balse mucaaradka ayaa qaadacay doorashada qofka iyo codka, ka dib markii Guddiga Doorashooyinka ay shaaciyeen in doorashada la qaban doono 25-ka bisha February, taas oo dhaafsiisan muddo xileedka maamulka oo ku eg 8-da bisha soo socota ee January.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc