Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo taageero dheeri ah ka codsaday Beesha Caalamka (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo taageero dheeri ah ka codsaday Beesha Caalamka (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee dalka ka hawlgala.

Madaxweynaha ayaa diblomaasiyiintaasi kala hadlay in Somaliya laga taageero xaqiijinta heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee ay 27-kii bishii hore ee May ku gaareen Magaalada Muqdisho, si dalka looga hirgeliyo hannaan doorasho oo ku dhisan metelaadda dadweynaha, taas oo jiho cusub u kaxeynaysa nidaamka dowladnimada ee dalka.

Madaxweynaha ayaa Wakiilada Beesha Caalamka u xaqiijiyay in dowladdiisu ay dadaal ku bixineyso qorshaha lagu xasillinayo deegaanada laga saaray maleeshiyada Al Shabaab iyo inay ka hirgelin doonto adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, tamarta iyo kaabeyaasha kale ee rayidka, isagoona iftiimiyay in dowladdiisu ay u baahan tahay taageero caalami ah, si loo daboolo baahiyaha jira.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinacyadan la wadaagay muhiimadda ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u leedahay xaqiijinta qorshaha sanadka soo socda (2024) ee la xiriira meelmarinta go’aamada masiiriga ah, sida in awoodda dib loogu soo celiyo shacabka, hirgelinta qorshaha Ciidanka Xoogga Dalka kula wareegayaan amniga dalka iyo in laga takhaluso maleeshiyada Shabaabka.

Wakiilada saaxiibada caalamiga ee dalka ayaa Madaxweynaha u muujiyay in ay dowladdiisa ku garab taagan yihiin yoolasha ay hiigsaneyso, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

“Danjireyaasha dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka, Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa Dowladda Federaalka Somaliya ku bogaadiyay guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaalada ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab, iyagoo sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ku garab taagan yihiin qorsheyaasha mudnaanta u leh xukuumadda ee amniga, nabadda, xasilloonida iyo meelmarinta go’aamadii Golaha Watashiga Qaran.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc