Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Eritrea

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Eritrea

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Eritrea, oo ay tababar gaar ah ku qaadanayaan qaar ka mid ah qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga, si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyada ay leedahay hirgelinta qorshaha muddo kooban dalka looga sifeynayo maleeshiyada Al Shabaab ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) u xil saaray dardargelinta iyo hagidda dagaalka deegaanada Galmudug looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarka ka dib halkiisa ka sii wadi doono hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah kooxahaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc