Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo u qalab qaadanaya burburinta Al Shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u qalab qaadanaya burburinta Al Shabaab

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegaya in uu dib u bilaabi doono dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Ka dib markii Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay Sabtidii ansixiyeen wax ka bedelka 4-ta cutub ee Dastuurka KMG, Villa Somalia ayaa bilaabeysa in mar kale ay diiradda saarto la dagaalanka maleeshiyadaasi.

Arrinta wax ka bedelka dastuurka ayaa ahayd qodax ku taagan Madaxweynaha Dowladda Federaalka, oo juhdi badani ku bixiyay, sidii loo meelmarin lahaa.

Ku dhawaad muddo laba bilood ah oo doodda wax ka bedelka dastuurka ay socotay, Madaxweynaha ayaa ka mashquulay furimaha dagaalka.

Warbaahinta ayaa fahamsan in mashquulka uu Madaxweynuhu ka mashquulay dardargelinta hawlgalada laga dareemay jiidda hore, gaar ahaan deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Ilo wareedyo ayaa sheegayaa in Madaxweynuhu uu safar ugu ambabaxayo Gobolada Dhexe, iyadoona uu yoolku yahay xoojinta gulufka militari ee la doonayo in lagu wiiqo Shabaabka hubeysan.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu gaaro Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, toddobaad uun ka dib, markii maleeshiyada Shabaabka ay culeys soo saareen degmadaasi.

Ilo wareedyada waxay kaloo sheegayaan in dalalka Dowladda Federaalka ka taageera hawlgalada dhinaca cirka ay sii wada doonaan wada shaqayntooda Ciidamada Qalabka Sida.

Villa Somalia ayay muhiim u tahay in Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay ay ku fidaan dhulka ay Shabaabku ka arrimiyaan, waana tan ugu muhiimsan qorshaha Dowladda Federaalka ay ku dooneyso in markii ugu horreysay ay dalka ka qabato doorasho qof iyo cod ah, taas oo cidda horgudban ay yihiin kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horaan wacad ku maray in ay dalka ka sifeyn doonaan kooxaha hubeysan, oo ay Al Shabaab ugu tun weyn tahay.

Madaxweynaha ayaa marar badan sheegay inaanay ka laaban doonin dagaalkan, illaa iyo inta Shabaabku ku sugan yihiin taako ka mid ah dalka.

Dagaalkan ayaa xujo ku ah Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, maadaama Shabaabka oo adeegsanaya, sida looga bartayba xeeladahooda kala duwan ay isku dayi doonaan in ay fashiliyaan hawlgalada lagu la dagaalamayo.

Shabaabka oo muddo 17 sano ah dalka ka dagaalamayay ayaa qaadi doona dhammaan tallaabooyinka u suurtagelinaya, sidii ay dalka uga sii hawlgeli lahaayeen.

Shabaabku waa awoodda qura ee muuqato ee dagaalka kala horjeedda Dowladda Federaalka, oo jiritaankeedana ay ka biyo diidan yihiin.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la eegaya, sida mustaqbalka dhow ay uga gudbi karto caqabaddan hortaagan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc