Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday La taliyihii Xiriirka Caalamiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday La taliyihii Xiriirka Caalamiga

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Nasa Cige, oo ahaa La taliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Caalamiga ah & Isuduwaha Barnaamijyada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraalka laguma sheegin sababta xilka looga qaaday La taliyaha, marka laga soo taggo in Dowladda Federaalka ay mudnaanta siineyso xoojinta xiriirka ay leedahay caalamka, si waafaqsan danaha iyo arrimaha hortebinta u leh shacabka Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey La taliyaha hore waqtiga uu u soo shaqeeyay dalkiisa, isagoo tilmaamay in Dowladda Federaalka Somaliya ay mudnaan siineyso xoojinta xiriirka ay leedahay caalamka, si waafaqsan danaha iyo arrimaha hortebinta u leh shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in masuuliyiinta dowladdu ay ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed, si masuuliyad leh oo ilaalinaysa qiyamka iyo nidaamka dowladnimada.”

Nasa Cige oo nin dhallinyaro ah ayaa xilka loo magacaabay 6-dii bishii November ee sanadkii hore ee 2022.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc