Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh “Turkey soo duushay oo Itoobiya ku duuleyso ma rabno”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Turkey soo duushay oo Itoobiya ku duuleyso ma rabno”

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee ay 8-dii bishan wada gaareen Dowladaha Turkiga iyo Somaliya.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ammaanay taageerada iyo is garabtaagga Turkiga ee Somaliya, isagoona sheegay in heshiiska uu socon doono muddo 10 sano ah.

Waxa uu sheegay in Badda Somaliya ay muddo dheer la kulmeysay kalluumeysi sharci darro ah iyo in lagu shubo haraadiga sunta kiimikada, hadda ka horna aysan Somaliya helin cid ka caawisa, sidii ay u difaacan lahayd.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashigan aanu ahayn in Itoobiya iyo cid kaleba lagu duulo, balse uu yahay mid lagu kaalmeynayo Somaliya, si ay baddeeda u difaacato.

“Waxaan kaalmo u weydiisanayno in Itoobiya lala diriro ma aha, dal kale in lagu duulo ma aha, cid kale in la dulmiyo ma aha, dalkeenna inaan difaacno in na lagu kaalmeeyo. Dowladda Turkiga heshiiska aan la galnay intaas ayuu asalkiisa yahay oo maanta Baarlamaanka Soomaaliyeed uu ansixiyay. Na kaalmeeya baddeenna si aan u difaacano.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Maanta Turkey soo duushay oo Itoobiya ku duuleyso ma rabno, cid kalena in lala diriro ma rabno. Somaliya gudaheeda in dowlado ajnabi ah ay isku diriraan ma rabno, laakiin heshiiskani waa heshiis ka shaqeynaya dhaqaalaha baddeenna, kalluunkeenna iyo khayraadkeenna badda inaan ilaashano ayuu Turkigu nagu saacidaya.”

Heshiiska ayaa ku soo aadaya, xilli ay xiisad adag ka dhex taagan tahay Somaliya iyo Itoobiya, ka dib heshiiskii is afgaradka ahaa ee Itoobiya la gaartay Somaliland, si looga kireeyo marin badeed.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa horaan sheegay in heshiisku uu dhigayo in 20km oo bad ah laga kireeyo Itoobiya, taasi bedelkeedana ay Itoobiya aqoonsan doonto Somaliland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc