Home Wararka Maanta Madaxweyneyaasha Somaliya iyo Kenya oo ku kulmay Nairobi (SAWIRRO)

Madaxweyneyaasha Somaliya iyo Kenya oo ku kulmay Nairobi (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku joogo Magaalada Nairobi ayaa gelinkii dambe ee maanta la kulmay dhiggiisa dalka Kenya, William Ruto.

Kulankooda oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ayay kaga wada hadleen xiisadda gobolka iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

“Kenya waxay dib u xaqiijineysaa, sida ay uga go’an tahay inay kala shaqeyso Somaliya, sidii loo sii horumarin lahaa nabadda iyo ammaanka gobolka, si loo helo barwaaqo aan wadaagno.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Kenya.

Warka ayaa lagu sheegay “Labada Madaxweyne oo ku shiray Aqalka Madaxtooyada Kenya ee Nairobi ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha wadajirka ah ee lagu la dagaalamayo argagixisada iyo amni darrada guud ee gobolka.”

Sidoo kale Madaxtooyada Somaliya ayaa iyana sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Kenya.

“Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal, amniga xuduudaha Somaliya iyo Kenya, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, deris wanaagga iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Dowladda Kenya, Mudane William Ruto ayaa muujiyay, sida dalkiisu u garab taagan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo qorshe wadajir ah oo lagu ciribtirayo argagixisa gobolka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia ee Facebook.

Qoraal kale oo lagu daabacay bogga Villa Somalia ee X ayaa u qornaa “Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo badan, oo ay ka mid yihiin horumarinta xiriirka labada dal, horumarinta xasilloonida gobolka, kor u qaadista dadaalada wadajirka ah ee lagu la dagaalamayo argagixisada iyo nabadda & amniga gobolka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saxiixay dokumentiyo ka tarjumaya ahmiyadda ay labada dal u leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay leeyihiin, sida diblomaasiyadda iyo gaashaandhigga.

Warbaahinta ayaa fahamsan in labada Madaxweyneyaasha Somaliya iyo Kenya ay si dhow uga wada hadleen xiisadda Somaliya kala dhaxeysa Itoobiya.

Madaxweynaha Kenya oo casuumaad u fidiyay dhiggiisa Somaliya ayaa isku dayaya in uu gacan ka gaysto, sidii loo qaboojin lahaa xiisadda adag ee labada dal.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay heshiiskii uu Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu 1-dii bishii January Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi kula gaaray Magaalada Addis Ababa, kaas oo Itoobiya u ogolanayo in laga kireeyo marin badeed.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa horaan sheegay in heshiiska uu dhigayo in Addis Ababa laga kireeyo 20km oo marin badeed, si ay ugu bedelato aqoonsi.

Dowladda Somaliya oo si adag uga hortimid heshiiskaasi ayaa ku tilmaamtay mid sharci darro ah, waxaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay inaanu heshiiskaasi dhaqangeli doonin.

Heshiiskan ayaa Geeska Afrika ka abuuray muran xoog leh, heer ay soo fara-geliyeen quwadaha waaweyn, oo qaarkood walaac ka muujiyay xaaladda cakiran ee ka dhex taagan labada dal.

Addis Ababa ayaa dunida kala kulantay cadaadis diblomaasiyadeed, oo looga dalbanayo in ay dib uga istaagto heshiiska is afgaradka ah ee ay la gaartay Somaliland, si looga gudbo xiisadda culus ee siyaasadeed ee ku soo korortay gobolka.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sheegay in ay aqoonsan yihiin madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

Somaliya ayaa toddobaadkii hore dalka ka ceyrisay Safiirkii Itoobiya, Danjire Mukhtaar Maxamed Waare, waxayna amar ku bixisay in muddo toddobaad ah lagu xiro Qunsuliyadaha Itoobiya ay ku leedahay Magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa.

Labada dal ayaa leh taariikh dagaal oo laga xusi karo dagaalkii dhex maray sanadkii 1977-kii ee socday illaa horaantii 1978-kii.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc