Home Wararka Maanta Mahad Salaad, Madaxweyne Qoorqoor iyo Wasiir Jaamac oo gaaray Ceelgaras (SAWIRRO)

Mahad Salaad, Madaxweyne Qoorqoor iyo Wasiir Jaamac oo gaaray Ceelgaras (SAWIRRO)

by Laacib

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gaaray deegaanka Ceelgaras ee Gobolka Galgaduud.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa maanta bilaa dagaal kula wareegay deegaankaasi, oo dhaca goob istiraatiiji ah.

Ciidamada ayaa u muuqdo kuwo gacan bir ah ku qabtay amniga deegaanka, ka dib markii ay hawlgal guri guri iyo miino baaris ka sameeyeen waddooyinka deegaankaasi.

Masuuliyiinta ayaa intaasi ka dib gaaray deegaankaasi, si ay u dhiirigeliyaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiiqow ayaa la wareegidda Ceelgaras ku tilmaamay guul weyn, haddii Shabaabku ay dhowr iyo toban sano ka arriminayeen deegaankaasi.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadu ay ku wajahan yihiin magaalooyinka ay Shabaabku kaga harsan yihiin Galmudug, balse marka hore ay xaqiijinayaan amniga deegaanada, tuulooyinka iyo dhulka hawdka.

“Ma jirto meel la dhaafayo, si garbo siman ayay ciidamadu dhulka hawdka uga saarayaan, magaalooyinkana ay ku qabsanayaan.” Ayuu yiri Wasiirka.

Ciidamada la wareegay Ceelgaras ayaa la sheegaya in qaybtood ay fariisimo ka sameysanayaan deegaankaasi, qaybta kalena ay jihada bari kaga sii socon doonaan Magaalada Ceelbuur.

Ciidamada ayaa isku furaya waddada dheer ee xiriirisa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur, iyadoo inta u dhaxeysana ka sifeynaya Shabaabka hubeysan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc