Home Wararka Maanta Mahad Salaad oo carqaladeeyay wada hadaladii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ahlu Sunna

Mahad Salaad oo carqaladeeyay wada hadaladii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ahlu Sunna

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad uu carqaladeeyay kulan la fillayay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la yeesho Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi ayaa muddo dheer ka shaqeynayay, sidii labada dhinac ay isugu arki lahaayeen Magaalada Dhuusamareeb, muddada uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku sugan yahay magaaladaasi.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa la sheegaya in uu qorsheynayay in Ahlu Sunna la siiyo hubka ay u baahan tahay, isla-markaana ay xoogageeda gacan ka gaystaan dagaalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo Gobolada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Agaasimaha NISA uu Madaxweynuhu uga digay in Ahlu Sunna laga qaybgeliyo dagaalkan, isaga oo ku andacoonaya in mustaqbalka ay carqalad ku noqon doonto jiritaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa Dhacdo.com u sheegay in Mahad Maxamed Salaad uu Dhuusamareeb u joogo, sidii uu u ciideen lahaa dadaalada uu wado Wasiir Fiqi.

Xiriirka Villa Somalia iyo Maamulkii Ahlu Sunna ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ka soo reynayay, taas oo ku timid Ina Fiqi oo dhinacyada isu soo dhaweynayay.

Warbaahinta ayaa fahamsan in billihii ugu dambeeyay uu wada hadalo hoose u socday Villa Somalia iyo Hoggaanka Ahlu Sunna, iyadoona uu Fiqi ahaa kan isku hayo xiriirkooda.

Fiqi ayaa horaan sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay tahay inuu arko Madaxda Ahlu Sunna, maadaama ay xoogagooda ku wanaagsan yihiin la dagaalanka kooxaha argagixisada.

“Waxaa loo baahan yahay Madaxweynuhu inuu arko Ahlu Sunnada joogta deegaanka, oo weliba dirirta Al Shabaab ku fiican, inaan kaashano ayaa halkan looga baahan yahay culimadan oo dagaalka ay qayb ka noqdaan, ayna ka barbar dagaalamaan Ciidamada Qaranka.” Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe oo bartamihii bishii September ee sanadkii 2021 dib ugu soo laabtay bartamaha dalka ayaa saldhig ka sameystay deegaanka Bohol, oo qiyaastii 25km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Warkan ka soo kordhay Gobolada Dhexe ayaa imaanaya, iyadoo ay soo baxayaan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Madaxweynuhu uu maalmaha soo socdo ku laaban doono Magaalada Muqdisho, dibna ugu soo laaban doono Dhuusamareeb, inkastoo aanu warkaasi ku xusnayn gal diiwaanka ee Madaxweynaha.

Siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah in cid kasta oo ku habboon la dagaalanka Al Shabaab uu iskaashi kala sameeyo dagaalka ay dowladdiisu dalka kaga saareyso mintidiinta.

Si kastaba ha-ahaatee tani waxay imaanaysaa, xilli dadka reer Galmudug ee u dhuun duleela arrimaha siyaasadda ay isha ku hayeen kulanka Madaxweynaha Qaranka iyo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc