Home Wararka Maanta Mahad Salaad oo gacan ka gaystay xal u helidda khilaafkii Gobolka Gedo

Mahad Salaad oo gacan ka gaystay xal u helidda khilaafkii Gobolka Gedo

by Laacib

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa afar sano ka dib ku guuleysatay in xal laga gaaro xiisaddii siyaasadeed ee in muddo ahba ka taagneyd Gobolka Gedo.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay doorashadii dib loogu soo doortay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee 22-kii bishii August ee sanadkii 2019 ka dhacday Magaalada Kismaayo. Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolkaasi ayaana si weyn uga horyimid doorashadaasi oo ay ku sheegeen mid aan xor iyo xalaal ahayn.

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo tan iyo 18-kii bishan ku sugnaa gobolkaasi ayaa ka waday dadaalo uu xal ugu raadinayay, sidii loo soo afjari lahaa khilaafka muddada afarta sano ka dhex taagnaa labada dhinac.

Madaxweyne Kuxigeenka oo Talaadadii Degmada Doolow kula kulmay xubno uu ka mid yahay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Axmed Buulle Maxamed (Gareed) ayaa si wadajira u sheegay in wada hadal lagu xaliyay khilaafka muddada dheer soo jiitamayay.

Gudoomiye Gareed iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulkiisa ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay ku biiraan Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Gareed oo horaan ka horyimid Gudoomiyaha cusub ee Madaxweynaha Jubbaland uu 6-dii bishii June u soo magacaabay Gobolka Gedo ayaa hadda sheegaya in uu diyaar u yahay in xilka uu ku wareejiyo maamulka cusub.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Maxamed Cabdi Oogle oo ka mid ah xubnaha Madaxweyne Kuxigeenka ku wehlinaya safarkiisa gobolka ayaa goobta ka sheegay in hadda la xaliyay khilaafka siyaasadeed ee hareeyay gobolkaasi.

Wasiir Oogle ayaa Gareed iyo xubnihii maamulkiisa ku bogaadiyay, sida ay ugu tanaasuleen sida uu yiri danta dalka, deegaankooda iyo weliba dadkooda.

Gareed oo goobta ka hadlay ayaa yiri “Jubbaland way isku timid, waa la wada hadlay, Jubbaland-tii guud iyo Jubbaland-tii ka faracantay way is raaceen maanta, gacmahaa la is haystaa.”

Gareed ayaa intaasi ku daray “Dadku inuu dagaalna leeyahay, nabadna leeyahay ayaa la rabaa, laakiin dadku inuu dagaal bes ah u taagnaado ma’aha, waa inuu nabadna leeyahay weeye, haddii la is qabto, waa in la isku tanaasulo.”

Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland oo ugu dambayntii goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka gaysatay, sidii loo dhammeen lahaa khilaafka kala geeyay labada dhinac.

“Waa maalin culeys weyn oo sanado badan na haystay Ilaahay uu naga fududeeyay.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland, isagoona bogaadiyay tanaasulka ay sameeyeen garabkii mucaaradka.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay si buuxdo ugu lug leedahay in xal laga gaaro khilaafkaasi siyaasadeed, isla-markaana ay xubnihii mucaaradka ku qancisay in ay dib ula midoobaan Jubbaland.

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa la fahamsan yahay in uu door weyn ku lahaa tallaabada ay dib ugu midoobeen labada dhinac.

Doorka Mahad Maxamed Salaad ayaa Jubbaland ka caawiyay in muddo dheer ka dib ay dib ugu soo laabato gobolkaasi, oo siyaasad ahaan ka go’naa Jubbaland.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa hadda xalisay mid ka mid ah labadii caqabadood ee maamulka haystay, oo caqabadda kalena ay yihiin maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc