Home Wararka Maanta Mahdi Guuleed oo ku baaqay in baaritaan buuxa lagu sameeyo Sarkaalka meydkiisa laga helay Muqdisho

Mahdi Guuleed oo ku baaqay in baaritaan buuxa lagu sameeyo Sarkaalka meydkiisa laga helay Muqdisho

by Laacib

Raysal Wasaare Kuxigeenkii hore ee dalka, Xildhibaan Mahdi Guuleed Maxamed (Khadar) ayaa ku baaqay in baaritaan buuxa lagu sameeyo meydka marxuum Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan (Dahable), oo ka tirsanaa Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Cabdinaasir Muuse ayaa xalay meydkiisa laga helay gurigii uu ka deganaa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano la xiriira geeridiisa iyo inay falkaasi u soo xireen lix qof, oo la tuhunsan yahay inay dileen.

Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay inay jiraan dad ka dambeeya dilkiisa, isla-markaana ay dalbanayaan in baaritaan lagu sameeyo.

“Sida la tuhunsan yahay, wuxuu u ekaa fal la gaystay oo dad gaysteen. Markaa in dariiqa sharciga ah la maro oo la baaro weeye, marka baaristu soo dhammaatana sharciga la horkeeno, waxaana aaminsanahay in xaqu uu dilaaci doono.” Ayuu yiri Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed.

Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa booriyay in dowladnimada ay shaqeyso, isla-markaana ay adkaato.

“Baaritaanka caafimaadka ee dhakhaatiirta iyo kan Hay’adda CID-da, dowladda ayaa hadda gacanta ku haysa.” Ayuu yiri Xildhibaanku.

Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray “Xildhibaanada deegaan ahaan uu ka soo jeeday marxuumka iyo guud ahaanba Xildhibaanada waa ay la shaqeynayaan in caddaalad la helo.”

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in dilka marxuumka ay ku tuhunsan yihiin Hay’adda Nabad Sugidda iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in ay tuhmayaan in marxuumka loo dilay muranka muddooyinkii ugu dambeysay soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Somaliland ee ku aaddan Maamulka Hawada.

“Cid kasta waxay tuhmeysaa in marxuumka ay u dileen, Maamulka Dowladda Somaliya iyo Dowladda Somaliland oo isku maandhaafsan arrimaha siyaasiga ah ee jira.” Ayuu yiri Wasiir Kaahin.

Aabaha dhalay marxuumka ayaa Dowladda Federaalka ka codsaday in meydka wiilkiisa loo soo diro Magaalada Hargeysa, si qoyska iyo ehelada ay halkaasi ugu aastaan.

Cabdinaasir Muuse ayaa ahaa 32 jir ku dhashay Magaalada Gabiley, haatana u shaqeynayay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc