Home Wararka Maanta Maleeshiyaad hubeysan oo la wareegay Degmada Matabaan

Maleeshiyaad hubeysan oo la wareegay Degmada Matabaan

by Laacib

Maleeshiyadan oo qaab beeleed u abaabulan ayaa maanta xoog ku galay Xarumaha Maamulka Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay hakisay howlihii shaqo ee ka jiray xarumaha maamulkaasi, welina ay ku sugan yihiin goobihii ay xoogga ku galeen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in maleeshiyada ay sidoo kale la wareegtay xafiisyada hay’adaha ka shaqeeya arrimaha samafalka iyo isbitaalka guud ee degmadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyada hubeysan ay xitaa la wareegtay kontoroolka galbeed ee laga soo galo magaalada.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya waxa ay qoonsatay maleeshiyada. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay ka careysan yihiin qaab dhismeedka maamulka, oo ay u arkaan mid aanay wax metelaad ah ku lahayn, halka wararka kalena ay sheegayaan in ay ka caroodeen Gudoomiyaha Degmada Matabaan, Bashiir Cabdiraxmaan Cabdi (Sheekeeye), kaas oo wararka ay sheegayaan in ay ku eedeynayaan inuu musuq-maasuqay kaarar loogu talagalay in dadka deeqaha raashiinka ku qaataan, oo ay ahayd in la gaarsiiyo deegaanada hoostagga degmadaasi.

Inkastoo masuuliyiinta aysan weli ka hadlin maleeshiyada gashay xarumaha maamulka, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in maamulku uu odayaal iyo waxgarad u diray, si wada hadal loogu dhameeyo waxa ay maleeshiyadu ka gadooday.

Maleeshiyadan ayaa la sheegaya in ay yihiin kuwo deegaanka ah, isla-markaana aysan ahayn kuwo dibadda kaga soo duulay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc