Home Wararka Maanta Maqnaanshaha Ikraan Tahliil oo laba sano laga joogo

Maqnaanshaha Ikraan Tahliil oo laba sano laga joogo

by Laacib

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd Sarkaalad ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa la waayay xalay oo kale 26-kii bishii June ee sanadkii 2021, xilli ay ku sugneyd Magaalada Muqdisho.

Hooyada dhashay gabadhan oo lagu magacaabo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa sheegtay in markii ugu war dambeysay ay gabadheeda u tagtay Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, isagana ay tahay cidda ay Ikraan Tahliil ku maqan tahay.

Muuqaal lagu baahiyay barraha bulshada ayaa laga arki karay Ikraan Tahliil oo raaceysa gaari cad oo ay Hay’adda Nabad Sugiddu leedahay, halkaas ayayna ka bilaabatay sheekada maqnaanshaha gabadhaasi.

Kiiskan oo xaalad ka abuuray dalka, khilaafka ka dhex dhaliyay Madaxweynihii xilligaasi ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaarihiisii Maxamed Xuseen Rooble ayaa keentay in Raysal Wasaare Rooble uu shaqada ka joojiyo Fahad Yaasiin, kaas oo markii dambena uu xilka ka qaaday, ka dib markii NISA ay 2-dii bishii September ee sanadkaasi ay soo saartay war ay ku sheegeyso in maleeshiyada Al Shabaab ay afduubteen Ikraan Tahliil, ka dibna ay dileen, wax caddeyn ahna aanay keenin.

Su’aalo badan ayaa ka soo laabtay, sida gabadhaasi looga afduuban karo xeendaabka Taliska Hay’adda NISA, oo la fahamsan yahay in si weyn amnigeeda loo ilaaliyo. Qoyskeeda ayaa ku dooday “Qofka lama dhihi karo waa la dilay, illaa meydkiisa la arko ama la caddeeyo in hay’adaha amniga ay kor istaaggeen. Weli ma dhicin qof Nabadsugid ah oo ay Al Shabaab afduubteen.”

Waxayse tuhunkii iyo farmuuqii Taliskii hore ee NISA ay kordheen, ka dib markii Al Shabaab 3-dii September ay si aan horey looga baran isaga fogeeyeen eedeymahaasi, iyagoona qoraal ku sheegay inaanay arkin, isla-markaana aysan dilin gabadhaasi.

“Kama dambeyno, waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeynaysay Hay’adda NISA, la yaab ayayna nagu noqotay in Sirdoonka Dowladda nagu masabido dilka gabadhaas.” Ayaa lagu sheegay qoraalka xilligaas ka soo baxay Al Shabaab.

Saraakiishii NISA ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay is hortaageen guddigii loo xilsaaray maqnaanshaha gabadhaasi in ay s daahfuran u baaraan.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, General Cabdullaahi Buulle Kamey ayaa 21-kii bishii November ee sanadkaasi ku dhawaaqay in maqnaanshaha Ikraan Tahliil aanay wax lug ahi ku lahayn 5 xubnood oo uu ugu muhiimsanaa Fahad Yaasiin, laguna eedeynayay maqnaanshaheeda.

Bartamihii sanadkii ina dhaafay ee 2022, Fahad Yaasiin ayaa wareysi ku sheegay in dilka gabadhaasi ay fududeeyeen Ex Raysal Wasaare Rooble, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) iyo Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, warkaas oo dad badani ka yaabiyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa olilihii dib u doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh ku ololeynayay inay ka shaqayn doonaan, sidii qoyska Ikraan Tahliil ay caddaalad u heli lahaayeen, tiiyoo aad mooddo inaanay cid dambe iska wareysan.

Si kastaba ha-ahaatee laba sano ka dib maqnaanshaha Ikraan Tahliil, illaa iyo hadda ma jirto cid si toos ah oo loo ogyahay inay ka masuul tahay in la waayo gabadhaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc