Home Dhacdooyin Maraakiib ganacsi oo lagu gubay Badda Cas

Maraakiib ganacsi oo lagu gubay Badda Cas

by Laacib

Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay gantaalo la heleen laba markab oo ganacsi oo marayay Badda Cas, isla-markaana ay gubeen.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa sheegay in Talaadadii ay lix gantaal ku weerareen maraakiibta Star Nasia iyo Furadino, oo sida uu sheegay laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, isla-markaana ay goobta ka carareen iyagoo gubanaya.

Saraakiisha Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Xuuthiyiinta ay gantaal la heleen markabka Star Nasia, xilli uu marayay Badda Cas.

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa mar sii horreysay sheegtay in ay maqashay in markab laga leeyahay Ingiriiska lagu weeraray meel dhinaca galbeed kaga toosan Magaalada Hudaydah, balse ma sheegin wax khasaare ah oo ka soo gaaray weerarkaasi.

Hase yeeshee Shirkadda Amniga Badda ee Britain (Ambrey) ayaa kol dambe sheegtay in markabka xamuul ee Ingiriiska oo watay Calanka Jasiiradda Barbados uu khasaare ka soo gaaray weerarka loogu gaystay Badda Cas.

Xogaha ay bixinayaan xulafada Mareykanka ma muujinayaan wax shaqaale ah oo wax ku noqday weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Badda Cas.

Peter Evans oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Badda ee Ingiriiska ayaa xaaladda Badda Cas ee Talaadadii ku tilmaamay mid aad u adkeyd.

Xuuthiyiinta ayaa bartamihii bishii hore ee January ku dhawaaqay in ay bartilmaameed sharci ah yihiin maraakiibta laga leeyahay Mareykanka iyo Ingiriiska, ka dib markii Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ay 12-kii bishaasi bilaabeen in ay duqaymo ka gaystaan goobaha ay Xuuthiyiinta ka maamulaan dalka Yemen.

Tani ayaa kaga soo dartay xiisaddii ka jirtay Badda Cas, oo bilowgii ay Xuuthiyiinta ku beegsanayeen maraakiibta ganacsi ee laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaheeda.

Duqaymaha Mareykanka iyo Ingiriiska ay ka gaysanayaan dalka Yemen ayaan joojin weerarada Xuuthiyiinta ay ku hayaan qayb ka mid ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc