Home Wararka Caalamka Maraakiibta caalamiga oo laga mamnuucay Dekedaha Israel

Maraakiibta caalamiga oo laga mamnuucay Dekedaha Israel

by Laacib

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen oo bartamihii bishii hore ee November maraakiibta Israel ka mamnuucay in ay adeegsadaan Badda Cas ayaa markan ku hanjabay in ay go’doominayaan Dekedaha Israel.

Xoogaga Xuuthiyiinta oo ay Iran taageerto ayaa sheegay in ay is hortaagi doonaan maraakiibta ku wajahan iyo kuwa kale ee ka soo ambabaxaya Dekedaha Israel.

Afhayeenka Ciidamada Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa xalay ku dhawaaqay in dhammaan maraakiibta ku wajahan Israel, dal kasta oo laga leeyahay ay bartilmaameed u noqon doonaan, haddii aan si xor ah gaadiidka gargaarka loogu ogolaan inay u galaan Marinka Gaza.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay doonayaan in cunto iyo dawo ku filan loo ogolaado dadka rayidka ah ee ku dhibaateysan Gaza.

“Waxaan uga digaynaa dhammaan maraakiibta iyo shirkadaha inay la macaamilaan Dekedaha Israel.” Ayuu yiri Yahya Saree oo warkan ku sheegay khudbad laga sii daayay telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al-Masirah TV.

Afhayeenka ayaa yiri “Haddii Gaza aysan helin cuntada iyo dawada ay u baahan tahay, dhammaan maraakiibta ku sugan Badda Cas iyo Badda Carabta ee u socda Dekedaha Israel, iyadoon loo eegin dhalasho ahaan, waxay noqon doonaan bartilmaameedka Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen.”

Yahya Saree ayaa xusay inaysan beegsan doonin maraakiibta kale ee ganacsiga ee adeegsada Badda Cas iyo Badda Carabta, bartilmaameedkooduna uu ku wajahan yahay maraakiibta badeecadaha ee ku sii jeeda Dekedaha Israel.

Xuuthiyiinta ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay weeraray maraakiib lala xiriiriyay Israel oo adeegsanayay Badda Cas iyo marinka Bab al-Mandab, iyagoona la wareegay markab uu leeyahay ganacsade reer Israel ah.

Tani ayaa keentay in inta badan maraakiibta Israel ay ka weecdaan Badda Cas, inkastoo Mareykanka uu sheegay in uu ilaalin doono maraakiibtaasi.

Badda Cas iyo Bab al-Mandab ayaa ah marin badeedka ugu weyn dunida ee ay isaga kala gooshto inta badan saliidda adduunka.

Warkan ka soo yeeray Xuuthiyiinta Yemen ee ku aaddan in ay go’doominayaan Dekedaha Israel ayaa imaanaya, xilli Mareykanka uu Jimcihii is hortaagay qaraarkii Qaramada Midoobey ku dalbaneysay xabad joojin degdeg ah oo bani’aadantinimo oo laga hirgeliyo Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc