Home Wararka Caalamka Maraakiibta ganacsiga oo ka qaxaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Maraakiibta ganacsiga oo ka qaxaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

by Laacib

Isu socodka maraakiibta ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa si weyn hoos ugu dhacay, sababo weerarada sii kordhaya ee ay Xuuthiyiinta Yemen ku hayaan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.

Tani ayaa ka dambeysay, ka dib markii Xuuthiyiinta ay toddobaadkii hore shirkadaha maraakiibta iyo kuwa caymiska ay u direen farriin ay ugu sheegayaan inay mamnuuc tahay inaanay marin biyoodyadaasi mari karin maraakiibta ku wajahan Israel, Ingiriiska & Mareykanka iyo kuwa kale ee dalalkaasi laga leeyahay.

Hoggaanka Xuuthiyiinta ayaa wacad ku maray in Ciidamada Badda Yemen ay xoojin doonaan hawlgalada militari ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taas oo baqdinta ku sii kordhisay maamulada shirkadaha xamuulka badda.

Xuuthiyiinta ayaa la fahamsan yahay in ay ka careysan yihiin duqaymaha xulafada Mareykanka ka gaysanayaan dhulka ay ka maamulaan dalkaasi Yemen.

Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa si wadajir ah isaga kaashaday illaa afar weerar oo ka dhan ah Xuuthiyiinta, si culeys loogu saaro inay joojiyaan weeraradooda maraakiibta, balse Mareykanka iyo Ingiriiska ayaan illaa iyo hadda ku guuleysan inay joojiyaan gantaalaha ka soo dhacaya goobaha ay Xuuthiyiintu maamulaan.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa sii wada cadaadiskooda, iyaga oo ku dhow inaanay seegin maraakiibta laga leeyahay Mareykanka, Ingiriiska iyo Israel.

Khatarta maraakiibta ayaa bilaabatay, ka dib markii Xuuthiyiinta Yemen ay ku dhawaaqeen inay beegsan doonaan maraakiibta u socota Dekedaha Israel iyo kuwa kale ee ay Israeliyiintu leeyihiin, waxayna khatartaasi kor u dhacday, markii Xuuthiyiinta ay bishii January iclaamiyeen in ay bartilmaameed sharci ah yihiin maraakiibta laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, tani oo jawaab u ah weerarada militari ee ay ka gaysanayaan dalka Yemen.

Iyadoo laga fogaanayo waxyeelada maraakiibta, lana ilaalinayo badqabka badmaaxiinta iyo shixnadaha ganacsiga ayaa keentay in shirkado badan ay ka weecdaan isticmaalka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Xiisadda ka aloosan marinka Bab al-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa marba marka ka dambeysa u muuqato mid cirka isku sii shareereysa.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa toddobaadkan sheegay in xiisaddu ay degi doonto, marka ay Israel soo afjarto xasuuqa ay ku hayso dadka reer Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc