Home Wararka Maanta Maraakiibta oo lagu wargeliyay inay ka fogaadaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Maraakiibta oo lagu wargeliyay inay ka fogaadaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

by Laacib

Isbahaysiga Ciidamada Badda ee Mareykanka uu hoggaamiyo ayaa shirkadaha maraakiibta ganacsiga ugu yeeray in ay isaga fogaadaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, muddo saddex cisho ah.

Isbahaysiga ayaa war uu xalay soo saaray waxaa si gaar ah loogu sheegay maraakiibta wata Calanka Mareykanka in 72-ka saac ee soo socda ay ka fogaadaan meelaha ku xeeran Yemen ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ka dib markii Mareykanka iyo Ingiriiska ay bartilmaameedsadeen goobaha ay Xuuthiyiinta kaga sugan yihiin dalkaasi, ayna suurtagal tahay in Xuuthiyiinta ka falceliyaan weeraradaasi.

Saraakiisha Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa laga soo xigtay in Washington ay fileyso in Xoogaga Xuuthiyiinta ay isku dayaan inay qaadaan weeraro hor leh oo ka dhan ah maraakiibta.

Maraakiibta booyadaha shidaalka ayaa durbaba bilaabay inay ka leexdaan marinka Bab al-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, sida ay xaqiijisay Hay’adda Caalamiga ah ee Milkiilayaasha Haamaha Madaxbannaan ee INTERTANKO.

Digniintan ayaa imaanaysa, ka gadaal markii Xuuthiyiinta ay ku hanjabeen inay ka aargudan doonaan duulaanka lagu soo qaaday dalkooda. Xuuthiyiinta ayaa ka arrimiya inta badan dalka Yemen.

Hawlgalka militari ee ka dhanka ah bartilmaameedyada Xuuthiyiinta ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in colaadda Gaza ay ku baahdo gobolka.

Duulaanka Israel ee Gaza ee ay dadka rayidka ah ku la’anayaan ayaa abuuray carro caalami ah, waana midda keentay inay kordhaan furimaha Israel kaga furan Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc