Home Wararka Caalamka Mareykanka iyo Ingiriiska oo duqayntii labaad oo wadajir ah ka fuliyay dalka Yemen

Mareykanka iyo Ingiriiska oo duqayntii labaad oo wadajir ah ka fuliyay dalka Yemen

by Laacib

Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa xalay duqayn culus ka gaystay meelo ay ka mid tahay Magaalada Sanca ee xarunta dalkaasi Yemen.

Weerarka oo ahaa kiisii labaad ee ay si wadajira isaga kaashadaan labada ciidan ayaa la sheegaya in ay fuliyeen diyaarado iyo maraakiib dagaal.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay garaaceen Saldhigga Cirka ee Al-Dailami ee waqooyiga Caasimadda Sanca.

Dadka reer Sanca ayaa sheegay in xalay ay maqleen qaraxyo waaweyn oo gilgilay magaalada.

Wararka ayaa intaasi ku daray in sidoo kale ay xulafada Mareykanka ay duqeeyeen goobo kale oo ku yaala Magaalooyinka Taiz, Hajjah iyo Al Bayda.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in la beegsaday gantaalada Xuuthiyiinta iyo goobaha ay hubka ku kaydsadaan.

“Bartilmaameedyada waxaa ka mid ahaa nidaamyada gantaalada iyo kuwa wax tuura, nidaamka difaaca hawada, raadaarada iyo goobo si qoto dheer loo aasay oo lagu kaydiyo hubka.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Dhexe.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weeraradan looga gol lahaa in lagu dhimo amaba yareeyo awoodda Xoogaga Xuuthiyiinta, si loo joojiyo weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaan illaa iyo hadda si rasmi ah uga hadlin duqaymahan iyo waxyeelada ay gaysteen, marka laga soo taggo in laga soo xigtay inay xaqiijinayaan in duqaymaha ay ka dhaceen gobolo kala duwan.

Madaxa Golaha Sare ee Siyaasadda Xuuthiyiinta, Mahdi Al-Mashat ayaa mar sii horreysay sheegay in danaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee gobolka ay noqon doonaan bartilmaameed sharci ah.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ayaa 12-kii bishan bilaabay inay weeraraan goobaha ay maamulaan Xuuthiyiinta Yemen, iyadoo laga jawaabayo weerarada ay ku hayaan maraakiibta isaga kala gudbeysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Saraakiisha Xuuthiyiinta oo Iran ay taageerto ayaa marar badan ku celceliyay in weeraradooda ay ku wajahan yihiin maraakiibta xiriirka la leh Israel, si ay garab istaag ugu muujiyaan dadka reer Gaza, inkastoo ay dib ka sheegeen inay weerarada ballaarinayaan, si looga jawaabo duqaymaha ay xulafada Mareykanka ka bilaabeen dalka Yemen.

Badda Cas ayaa noqotay furin kale, iyadoo xiisadda ka taagana ay la xiriirto colaadda Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc