Home Wararka Caalamka Mareykanka oo cadaadiska ku kordhinaya Israel

Mareykanka oo cadaadiska ku kordhinaya Israel

by Laacib

Mareykanka ayaa markan waxa uu Israel culeys xoog leh ku saaraya in ay ilaaliso badqabka dadka rayidka ah ee ka baxsanaya colaadda Marinka Gaza iyo kuwa kale ee gabaadka ka dhiganaya kaabeyaasha rayidka, ka dib markii dhawaan uu ku cadaadiyay in ay si macno leh gargaarka ugu ogolaato magaalada.

Militariga Israel oo dadka rayidka ah ugu yeeray in ay isaga baxaan waqooyiga Gaza, isla-markaana ay taggaan koonfurta magaalada ayaa waxaa haddana muuqata in Ciidamada Israel ay rayidka ku dhibaateynayaan koonfurta Gaza.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa Militariga Israel ku eedeeyay in ay labada daamood ee Gaza ka dhigeen goob aan ammaan ahayn.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay in ay Israel si dhow uga la hadleen inay ilaaliso dadka rayidka ah.

Wasiirka ayaa markii ugu horreysay waxa uu Jimcihii muujiyay in Washington ay walaac ku hayso khasaaraha sii kordhaya ee dadka reer Gaza ka soo gaaraya weerarada Israel.

“Falastiiniyiin aad u badan ayaa la dilay, dad badan ayay waxyeelo soo gaartay toddobaadyadii la soo dhaafay.” Ayuu yiri Wasiirka oo Warbaahinta kula hadalayay Magaalada Delhi ee dalkaasi India.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaa jira waxyaabo badan oo la samayn karo, si loo yareeyo waxyeelada dadka Falastiiniyiinta.”

Antony Blinken ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Si taas loo gaaro, waxaan sii wadi doonnaa inaan kala hadalno Israel tallaabooyinka la taaban karo ee la qaadayo, si loo horumariyo ujeedooyinkan.”

Blinken ayaa soo dhaweeyay xabad joojinta bani’aadantinimo ay Israel ku dhawaaqday Khamiistii ee ku aaddan in maalin kasta ay afar saacadood hakin doonto dagaalka ay kula jirto Xamaas.

“Ku dhawaaqista Israel ee ah in 4 saac ay maalin kasta hakineyso dagaalka, waxay gacan ka gaysaneysaa in dadka loo sahlo in ay ka baxaan dhibaatada, waxay kaloo fududeyn doontaa in dadku ay helaan gargaar bani’aadantinimo.” Ayuu yiri Blinken.

Mareykanka ayaa dal iyo dibadba cambaareyn xoog leh kala kulmay taageeradiisa mugga leh ee Israel, ee ay dadka faraha badan ku dhimanayaan.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dadka rayidka ah ee la dilay ay gaartay 11,078 qof, tan iyo markii Israel ay bilowday weeraradeeda Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc