Home Wararka Caalamka Mareykanka oo cadaadiska ku kordhiyay Israel, kana horyimid qorshe ay damacsan tahay

Mareykanka oo cadaadiska ku kordhiyay Israel, kana horyimid qorshe ay damacsan tahay

by Laacib

Dowladda Mareykanka ayaa xoojisay cadaadiska ay ku hayso Israel, si ay Tel Aviv u soo afjarto amaba ay hoos ugu dhigto hawlgalka militari ee ay ciidamadeeda ka wadaan Marinka Gaza.

Mareykanka ayaa garowsan in uu gooni ka noqday dunida inteeda kale, waana xilli ay carro caalami ah ka dhalatay gumaadka ay Ciidamada Israel ku hayaan shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Washington ayaa dadaal ugu jirta in ay Tel Aviv ka dhaadhiciso inay ka guurto waxa lagu sheegay weerarada baahsan, isla-markaana ay u bedesho hawlgal sirdoon oo muddo dheer ah oo lagu bartilmaameedsanayo Xoogaga Ururka Xamaas, iyadoo markaasi la yareynayo khasaaraha dadka rayidka ah.

La taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Jake Sullivan oo Khamiistii gaaray Israel ayaa arrintan kala hadlay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Xubnaha Golaha Wasiirada ee dagaalka.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ee Mareykanka oo Warbaahinta caalamiga ay soo xiganeyso ayaa beeniyay in Mareykanku uu Israel ku cadaadinayo in muddada ka harsan sanadkan ay ku soo geba-gabeyso hawlgalkeeda.

Sarkaalkan ayaase sheegay in Golaha Wasiirada Israel ay caddeeyeen inaanay toddobaadyo gudahood ku soo afjari karin Xoogaga Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza, isla-markaana ay dalbadeen waqti dheeri ah.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa sheegay in ay muddo billooyin ah u baahan yihiin, si ay kaga adkaadaan Ururka Xamaas.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu cannaantii ugu adkeyd u jeediyay Raysal Wasaare Netanyahu, isla-markaana uu ka dalbaday in ciidamadiisu ay joojiyaan duqaymaha aan loo meel dayin ee dadka faraha badan ku dhimanayaan.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, John Kirby ayaa sheegay inaanu Madaxweynaha Mareykanka joojin doonin cannaantiisa Israel, inta uu socdo hawlgalka loo arko in uu dhaafsiisan yahay Xamaas.

“Madaxweynuhu waxa uu ka tarjumaya walaac aan in muddo ah qabnay, waana uu sii wadi doonnaa, marka uu hawlgalkani socdo, oo ku saabsan baahida loo qabo dhimista waxyeelada rayidka iyo in la saxo, oo taxadar la muujiyo intii suurtagal ah.” Ayuu yiri John Kirby oo VOA la hadlay.

Sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada ayaa mamnuucaya weerarada aan loo meel dayin ee aan kala soocin ujeedooyinka militariga iyo dadka rayidka ah ama kaabeyaasha rayidka.

Jake Sullivan, La taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka ayaa la sheegaya in uu si cad uga horyimid qorshaha Israel, ee ku aaddan in hawlgalka uu sidiisa ku sii socon doono billaha soo socda.

Sullivan ayaa saaka bartiisa X ku sheegay in Madaxda Israel uu sidoo kale u sheegay in loo baahan yahay in la joogteeyo gargaarka bani’aadantinimo ee la gaarsiinayo dadka Gaza.

Sullivan ayaa Jimcahan booqanaya dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, si halkaasi uu ugu la kulmo Madaxda Maamulka Falastiiniyiinta.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegeysa in Madaxweyne Joe Biden iyo Raysal Wasaaraha Israel ay u muuqdaan kuwo sii kala fogaanaya. Mareykanka waxaa lagu tilmaamaa saaxiibka ugu weyn ee ay maanta Israel leedahay.

Mareykanka ayaa la fahamsan yahay in uu is hortaagay baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo xabad joojinta, iyadoona uu Israel u diray noocyada hubka ee ay codsatay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc