Home Wararka Caalamka Mareykanka oo digniin adag ka soo saaray in Xoogaga Ruushka ee Wagner taggaan dalka Niger

Mareykanka oo digniin adag ka soo saaray in Xoogaga Ruushka ee Wagner taggaan dalka Niger

by Laacib

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa ka digay khatar uu sheegay in Mareykanka uga iman karto dalka Niger, haddii xoogaga calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner ay fursad u helaan inay ka hawlgalaan dalkaasi.

Dalka Niger oo daba-yaaqadii bishii hore ee July uu afgembi ka dhacay ayaa u muuqdo mid looga gacan haatinayo Ruushka iyo kooxda Wagner, waana xilli Wagner ay ka hawlgasho dalalka deriska la ah dalkaasi ee Mali iyo Burkina Faso.

Madaxa Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa soo dhaweeyay afgembiga xilka looga tuuray Madaxweynihii Niger, Mohamed Bazoum.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa Wagner ku eedeeyay in meel kasta oo ay ka hawlgalaan ay u horseedaan burbur iyo baaba’.

“Meel kasta oo ay taggaan kooxda Wagner waxay sababaan dhimasho, burbur iyo dadka oo ay ka faa’iideystaan, waxaa sare u kacay xaaladaha amni darro ee dalalka ay ka hawlgalaan.” Ayuu yiri Xoghaye Blinken oo wareysi siiyay BBC.

Blinken ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Ruushka iyo Wagner aanay wax lug ahi ku lahayn afgembiga ka dhacay dalkaasi, ha yeeshee ay doonayaan in ay fursad ka dhex helaan.

“Waxaan aaminsanahay in Ruushka iyo Wagner aysan wax lug ahi ku lahayn waxa ka dhacay Niger, balse ay doonayaan in fursad ay ka dhex helaan. Waxaan aragnaa in si la mid ah dalalkii hore ay ku lug yeesheen aanay wax wanaag ah u horseedi doonin dalkaasi.” Ayuu yiri Blinken.

Dhanka kale Taliska Ciidamada Militariga ee afgembiga kula wareegay dalkaasi ayaa Talaadadii sheegay inaanay aqbali doonin booqasho diblomaasiyadeed oo heerkeedu sarreyo, sababo ku aaddan khatar ku wajahan amniga dadka soo booqanaya dalka.

Taliska ayaa sheegay in cunaqabateynta uu Ururka Galbeedka Afrika (ECOWAS) ku soo rogay dalkaasi ay abuurtay carro dadweyne, sidaasi darteedna aanay martigelin karin wufuudda caalamiga ah, iyadoo laga foganayo in amni darro dhacdo.

Taliska Militariga ayaa sheegaya in la xiray xuduudaha hawada iyo dhulka ee dalka Niger.

Militariga ayaa afgembiyay Madaxweynihii keliya dalkaasi ee sida dimoqraadiyadda lagu soo doortay. Washington ayaana si adag u cambaareysay tallaabada xukunka looga doortay Madaxweyne Mohamed Bazoum.

Dowladdii Madaxweyne Bazoum ayaa xiriir dhow la laheyd Reer Galbeedka, waxaana uu xiriirkooda xoogeystay, ka dib dhacdooyinkii dhawaanahaan hareeyay dalka Mali.

Dowladda Mali ayaa dalkeeda ka ceyrisay Ciidamadii Faransiiska ee joogay, tallaabada xigtay ee ay qaadday ayaa noqotay in Ciidamada Qaramada Midoobey ee dalkaasi ku sugan ku amarto in dalka isaga baxaan.

Dalka Niger oo horey uu Faransiiska u soo gumeystay ayaa loo arkayay saaxiibkii ugu dambeeyay ee la isku halayn karo ee ay Reer Galbeedka ku lahaayeen Afrikada Galbeed, isla-markaana la dagaalama Jihaadiyiinta Gobolka Saaxil ee Afrika.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc