Home Dhacdooyin Mareykanka oo diidmada qaxayan ku hor istaagay joojinta dagaalka Gaza (SAWIRRO)

Mareykanka oo diidmada qaxayan ku hor istaagay joojinta dagaalka Gaza (SAWIRRO)

by Laacib

Mareykanka ayaa xalay codka diidmada qayaxan ku hor istaagay qaraar ay ka doodeen Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo dalbanaya in si degdeg ah loo soo afjaro colaadda Marinka Gaza iyo in gargaar mug leh la gaarsiiyo dhulka muddada dheer go’doonsan.

Dowladda Algeria oo xubin ka ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa soo diyaarisay qaraarka qabyada ah, oo Qaramada Midoobey ay ku codsatay in xabad joojin degdeg ah laga sameeyo Gaza.

Mareykanka ayaa sheegay in qaraarka ay Algeria soo jeedisay uu khatar gelinayo wada hadalada uu garwadeenka ka yahay ee la xiriira dagaalka Gaza.

Linda Thomas-Greenfield, Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in qaraarku aanu xal waara u horseedi karin xiisada taagan, haddii aanay jirin shuruud.

Waxay sheegtay in heshiis la gaaro uu muhiim u yahay in Xamaas ay sii deyso Israeliyiinta ay qafaalka ugu haysato Marinka Gaza.

13 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa taageeray qaraarka, halka Ingiriiska uu ka aamusay. Mareykanka ayaana ahaa dalka qura ee diiday amaba is hortaagay.

Shiinaha, Ruushka iyo Faransiiska oo oo ka mid ah 5-ta dal ee leh diidmada qayaxan ayaa taageeray qaraarkaasi, balse adeegsiga Mareykanka ee Veto ayaa waxba kama jiraan ka dhigeysa aqlabiyadda.

Qaraarka Algeria ayaan Xamaas looga dalban inay sii deyso maxaabiista, taasi ayaana loo maleynaya sababta uu Mareykanku isku hortaagay.

Mareykanka ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyay qaraar qabyo ah oo ku baaqaya xabad joojin ku-meel-gaar ah, in la sii daayo la haysteyaasha Israeliyiinta iyo la qaado caqabadaha gargaarka ee Gaza.

Ma cadda goorta Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay u codeyn doonaan qaraarka Mareykanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc