Home Wararka Maanta Mareykanka oo duqayn ka gaystay duleedka Magaalada Kismaayo

Mareykanka oo duqayn ka gaystay duleedka Magaalada Kismaayo

by Laacib

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa faah faahin ka bixiyay weerar dhinaca cirka ah oo Khamiistii ay ka gaysteen deegaanka Wayanta, oo 60km dhanka koonfur galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Taliska ayaa sheegay in duqayntani ay ka dambeysay, ka dib codsi uga yimid Dowladda Federaalka, isla-markaana ay ahayd mid is difaacid ah.

Taliska ayaa hoosta ka xariiqay in qiimeynta horudhac ah ay muujineyso in duqaynta lagu dilay saddex ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab. Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in duqayntani aanay waxyeelo ka soo gaarin dadka rayidka ah.

Sida warsaxaafadeedka lagu sheegay, Taliska AFRICOM ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada weerarkan, dibna ay ka soo faah faahin doonaan wixii ka soo kordha.

“AFRICOM iyo ciidamada la shaqeeya ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada hawlgalkan, waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ugu habboon.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Mareykanka ayaa xilliyada qaarkood dhanka cirka ka garaaca maleeshiyada Shabaabka, kuwooda weerarka ku ah Xeryaha Ciidamada Dowladda.

AFRICOM ayaa marar badan ku celcelisay in ay sii wadi doonto duqaymaha ka dhanka ah Shabaabka hubeysan, oo Pentagon-ka Mareykanka uu u aqoonsaday khatarta ugu weyn ee amni ee maanta ka jirta Afrika.

Mareykanka waa saaxiibka ugu weyn ee haatan Villa Somalia ka taageera duqaymaha dhanka cirka, ee lagu bartilmaameedsado madaxda iyo maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc