Home Dhacdooyin Mareykanka oo duqayn ku dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Kataib Xisbullah

Mareykanka oo duqayn ku dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Kataib Xisbullah

by Laacib

Militariga Mareykanka ayaa xalay duqayn ay ka gaysteen dalka Ciraaq ku dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Kataib Xisbullah ee Ciraaq, balse ay Iran taageerto.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykaka ayaa sheegay duqayn ay fulisay diyaarad aan duuliyaha lahayn lagu dilay ninkaasi, oo ururkiisa lagu eedeeyay in ay ka masuul yihiin weerarada lagu hayo Saldhigyada Ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Bariga Dhexe.

Weerarka oo xalay fiidkii ka dhacay Caasimadda Baghdad ayay Mareykanku sheegeen in lagaga takhalusay Wissam Mohammed Saber Al-Saedi.

War ka soo baxay Kataib Xisbullah ayaa lagu xaqiijiyay in duqaynta lagu dilay hoggaamiyaheedii hawlgalada ee dalka Suuriya.

Kataib Xisbullah oo ka tacsiyeysay geerida Al-Saedi ayaa sheegtay in dilkiisu uu xoogagooda ku dhiirigelinayo inay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Mareykanka, iyadoona wacad ku martay in ay ka aargudan doonto Mareykanka.

Diyaaradda Mareykanka oo duqayntan ka gaysatay xaafadda Mashtal ee bariga Baghdad ayaa lagu bartilmaameedsaday gaari la sheegay in uu la socday hoggaamiyahaasi.

Saraakiisha Booliska Ciraaq ayaa sheegay in Sarkaalka la beegsaday lala dilay laba xubnood oo kale.

“Kama laba labayn doono in aan masuuliyad iska saarno dhammaan kuwa khatarta ku ah ammaanka ciidamadeenna.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka.

Sarkaal ka tirsan Mareykanka ayaa CNN u sheegay in duqayntan aan lagu wargelin Dowladda Ciraaq, balse Washington ay kol hore u caddeysay Baghdad in xilli kasta ay ka jawaabi karto weerarkii xoogaga ururkaasi ay daba-yaaqadii bishii January ka gaysteen saldhigga ay Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin waqooyi bari Jordan, laguna dilay saddex ka mid ah askartooda, laguna dhaawacay in ka badan 40 kale.

Dowladda Ciraaq oo dhalleeceysay duqaynta ayaa sheegtay in ay halis ku tahay ammaanka iyo xasilloonida gobolka.

Mareykanka ayaa toddobaadkii hore weeraro xagga cirka ah ka gaystay dalalka Ciraaq iyo Suuriya, oo Militariga Mareykanku ay sheegeen in lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran iyo maleeshiyaadka xiriirka la leh Tehran. Xilligaasi waxay Mareykanku sheegeen in weeraradaasi ay bilow u yihiin tallaabada uu Mareykanku kaga aargudanayo xoogaga ay hubeyso Iran.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad oo ay soo xigatay CNN ayaa sheegay in duqayntan ugu dambeysay ee ka dhacday Caasimadda Baghdad aysan ahayn dhammaadka weerarada uu Mareykanka kaga aargudanayo kooxaha awoodda badan ee dalkaasi.

Duqaynta Mareykanka ayaa dabka ku sii shideysa xiisadda aadka u kacsan ee muddooyinkanba ka taagneyd Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc