Home Dhacdooyin Mareykanka oo gargaarkii ugu horreyay gaarsiiyay shacabka Gaza (SAWIRRO)

Mareykanka oo gargaarkii ugu horreyay gaarsiiyay shacabka Gaza (SAWIRRO)

by Laacib

Mareykanka ayaa gargaarkii ugu horreyay gaarsiiyay dadka reer Gaza, iyadoo markaasi looga daadinayo dhanka hawada.

In ka badan 30,000 oo cunto ah ayay baarashuut-ku ku qaadeen saddex diyaaradood oo kuwa militariga ah, waxaana cuntada lagu daadiyay dhulka xeebta.

“Tani ayaa dadka rayidka ah u ogolaaneysa inay helaan gargaarka muhiimka ah, waxaana hawlgalka si wadajir ah u fuliyay Ciidamada Cirka Mareykanka iyo Jordan.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay “Diyaaradaha C-130 ayaa in ka badan 38,000 oo cunto ah ku daadiyay Xeebaha Gaza.”

Waxa kaloo bayaanka lagu yiri “Waxaan sii wadaynaa hawlgalada gargaarka ee dhinaca hawada lagu gaarsiinayo Gaza, diyaaraduhuna waxay qayb ka noqon doonaan dadaalada gargaarka dheeraadka ah lagu gaynayo Gaza, oo ay ku jirto ballaarinta qulqulka gargaarka ee marinada dhulka.”

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in tani ay bilow u tahay ka jawaabidda warkii ka soo yeeray Madaxweyne Joe Biden, ee ahaa in diyaaradahooda ay sahayda cuntada ah ay dhanka cirka uga daadin doonaan shacabka Gaza.

Madaxweyne Biden ayaa Jimcihii sheegay in Mareykanka uu gargaarkii ugu horreyay u diraayo dhulka go’doonsan, si wax lagaga qabto xaaladda bani’aadantinimo ee halkaasi ka jirta.

“Waxaan u baahanahay inaan wax badan ka qabano xaaladda bani’aadantinimo, Mareykankana wax badan ayuu qaban doonnaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Jordan, Masar iyo Faransiiska ayaa horey sidaan oo kale u sameeyay, balse tani waa tallaabadii ugu horreysay ee Mareykanka uu qaado.

Tani ayaa imaanaysa, ka dib carrada caalamiga ah ee ka dhalatay weerarkii ay Ciidamada Israel Khamiistii ku laayeen dad rayid ah, oo isugu soo baxay in gargaar loo qaybiyo.

Weerarkan oo ay ku dhinteen 112 qof oo shacab ah, ku dhawaad 800 oo kalena ay ku dhaawacmeen ayaa horseeday in dowladaha caalamka ay dalbadaan in la sameeyo baaritaan degdeg ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc