Home Wararka Caalamka Mareykanka oo ka digay in Gaza ay isu bedesho Muqdisho

Mareykanka oo ka digay in Gaza ay isu bedesho Muqdisho

by Laacib

Maamulka Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Israel ugu yeeray inay joojiso beegsiga xubnaha Ilaalada Rayidka Xamaas ee gelbinaya gaadiidka gargaarka ee gelaya Marinka Gaza.

Washington ayaa ka digtay in dhibaatada bani’aadantinimo ee Gaza ay sii wiiqeyso sharciga iyo kala dambeynta ka jirta dhulka go’doonsan.

Saddex ka mid ah Saraakiisha Mareykanka ayaa Shabakadda Wararka Axios u sheegay in Mareykanku uu ka walaacsan yahay in Gaza ay isu bedesho Muqdisho, maadaama amniga xumada iyo rajo la’aanta ka jirta ay dhabaha u xaartay in kooxo hubeysan ay dhac u gaystaan baabuurta gargaarka, taas oo sii carqaladeynaysa gurmadka bani’aadantinimo ee Gaza oo markii horeba uu hareeyay weerarada Militariga Israel iyo xanibaadda ay ku hayaan waddooyinka.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somaliya ayaa mar lagu tilmaami jiray magaalada ugu khatarta badan ee caalamka.

Waxaa hoos u dhac weyn uu ku yimid tirada gawaarida gargaarka ee gelaya Gaza, toddobaadyadii la soo dhaafay, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA. Ugu yaraan afar maalmood labadii toddobaad ee ugu dambeysay, in ka yar 10 baabuur oo gargaar sida ayaa u gudbay dhinaca Gaza.

“Taasi waa qayb ay ugu wacan tahay xaaladda ammaanka ee labada dhinac ee xuduudda.” Ayuu yiri James McGoldrick, Isuduwaha Bani’aadantinimada Qaramada Midoobey ee Dhulka Falastiiniyiinta.

Xubno ka tirsan Ciidamada Booliska Rayidka ee ay Xamaas maamusho oo ka hawlgelayay isgoyska Rafah ee dhaca xadka Gaza iyo Masar iyo barta saddex xagalka xuduudda ee Gaza, Masar iyo Israel ayaa shaqada ka tagey horaantii bishan, ka dib markii ay Israel beegsatay.

Kerem Shalom oo ku taala xuduudda Masar, Gaza iyo Israel waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee ay maraan badeecadaha soo gala iyo kuwa ka baxa dhulka Falastiiniyiinta.

Ciidamada Madaniga ayaa sugi jiray ammaanka kolonyada gargaarka ee loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka rayidka ah.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Tedros Ghebreyesus ayaa dhawaan walaac ka muujiyay Israel oo hortaagan in gargaarka uu gaaro Marinka Gaza.

“Gaarsiinta kaalmada bani’aadantinimo ee Gaza ayaa waxaa soo wajahaya caqabado aan laga gudbi karin. Duqaymo baahsan, xayiraadaha dhaqdhaqaaqyada, shidaal la’aanta iyo isgaarsiinta go’an ayaa ka dhigaya mid aan suurtagal ahayn in WHO iyo hay’adaha la shaqeeya ay gargaarka gaarsiiyaan dadka gaajeysan.” Ayuu yiri Tedros Ghebreyesus.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa mar sii horreysay sheegay in gargaarka aan si ku filan loo gaarsiin karin Gaza, isla-markaana ay weerarada Israel wiiqayaan qaybinta gargaarka.

Tel Aviv ayaan doonayn inay soo afjarto go’doominta ay muddada dheer ku hayso Marinka Gaza, taas oo uga sii dartay xaaladda nololeed ee dadka rayidka ah.

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa walaac xoog lihi ka muujinaya tallaabada Israel ay ku hortaagan tahay gargaarka bani’aadantinimo ee ay dowladaha ugu deeqeen in la gaarsiiyo 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza.

Martin Griffiths, Madaxa Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadantinimada ayaa dunida ku dhalleeceeyay inay daawaneyso xaaladda quusta ah ee ka jirta Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc