Home Wararka Caalamka Mareykanka oo ka digay in Iran ay furin cusub kaga furto Bariga Dhexe

Mareykanka oo ka digay in Iran ay furin cusub kaga furto Bariga Dhexe

by Laacib

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay inaanu Mareykanku doonayn dagaal uu haatan la galo dalka Iran, xilli ay meel adag mareyso colaadda Israel iyo Falastiiniyiinta.

“Mareykanku ma doonayo dagaal uu la galo Iran, waxaana ka digaynaa in Iran iyo cid kastaba ay weeraraan shaqaalaha Mareykanka, meel kasta oo ay dunida kaga sugan yihiin.” Ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Xoghayaha oo Talaadadii ka hadlayay shir ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeesheen xiisadda ka sii dareysa ee Bariga Dhexe ka jirta ayaa sheegay in Washington ay difaaci doonto, haddii ciidamadeeda la weeraro.

“Ma rabno in dagaalkani uu sii ballaarto, laakiin haddii Iran ama xulafadeeda ay meel kasta ku weeraraan shaqaalaha Mareykanka, si degdeg ah ayaan u difaaci doonnaa.” Ayuu yiri Blinken.

Gobolka ayaa waxaa ka jirta cabsi xoog leh oo laga muujinayo in rabshadaha dib uga soo dhex cusboonaaday Falastiiniyiinta iyo Israel ay ku fidaan gobolka intiisa kale.

Iran ayaa ku hanjabtay in Xisbullah iyo kooxaha kale ee taageerto ay ku biiri doonaan dagaalka, haddii Israel ay sii waddo duqaymaha baahsan ay ka gaysaneyso Marinka Gaza, iskaba daa in ciidamadeeda ay gudaha u galaan magaaladaasi.

Saldhigyada Ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin dalalka Iraq iyo Syria ayaa waxaa maalmihii ugu dambeysay weeraro ku hayay xoogaga ay Iran taageerto ee dalalkaasi ka hawlgala.

Madaxweyne Joe Biden ayaa Isniintii Waaxda Difaaca Mareykanka amar ku siiyay in ay ka hortaggaan weerarada ay gaysanayaan kooxaha hubeysan ee taabacsan Tehran.

Waaxda Pentagon-ka Mareykanka ayaa la sheegay inay qaadeyso tallaabooyin cusub, oo lagu ilaalinayo amniga ciidamadooda ku sugan Bariga Dhexe.

Mareykanka ayaa horaan gobolka u soo diray maraakiib dagaal, diyaaradaha casriga ah ee ay Militariga Mareykanka ku hubeysan iyo saanad hub ah oo lagu taageerayo Maamulka Israel.

Mareykanka ayaa sidoo kale isku dayaya in Israel uu ka ilaaliyo in kooxaha jihaadiyiinta ay ka soo weeraraan meel ka baxsan dhulka Falastiiniyiinta, inta ay Tel Aviv ku howlan tahay waxa lagu sheegay hawlgaladeeda is difaacidda.

Ka dib weerarkii Xoogaga Xamaas ee Falastiiniyiinta ay 7-dii bishan ka gaysteen dhulka la haysto, Israel ayaa qaadday falcelin adag oo duqaymo ah, oo ay weli ka waddo Marinka Gaza. Illaa iyo hadda inta la xaqiijiyay waxaa duqaymahaasi ku geeriyooday in ka badan 5,790 qof oo dad rayid ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc