Home Wararka Caalamka Mareykanka oo mar kale digniin adag u jeediyay Israel

Mareykanka oo mar kale digniin adag u jeediyay Israel

by Laacib

Mareykanka ayaa si adag uga horyimid soo cusbooneysiinta Maamulka Israel ee ku aaddan in ciidamadu ay guluf buuxa ku qaadi doonaan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in halis la geliyo nolosha in ka badan 1.4 milyan oo Falastiiniyiin ah, oo horaan ku barakacay deegaanka Rafah ee dhaca xadka Gaza iyo Masar.

Dadkan oo intooda badan ka soo cararay duqaymaha baahsan ee Israel ka waddo koonfurta iyo bartamaha Gaza ayaa is dulsaar ku ah deegaanka ku yaala cirifka koonfureed ee Marinka Gaza.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Israel uga digay inay guluf ballaaran ku qaaddo Rafah, oo ah goobtii ugu dambeysay oo shacabka Falastiiniyiinta ay gabaadsanayaan.

“Si cad ayaan ugu sheegnay Israel inaan rumeysanahay in duulaan militari oo buuxa oo lagu qaado Rafah uu saamayn weyn ku yeelan doono dadka rayidka ah iyo inuu ugu dambayntii dhaawici doono ammaanka Israel.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa Israel ku adkeeyay inay ka laabato hawlgalka la qorsheeyay ee ka dhanka ah dhulka ay haatan ku sugan yihiin inta badan dadka reer Gaza.

Hadalka Matthew Miller ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu ku celiyay in Ciidamada Israel ay hawlgal dhinaca dhulka ah ka bilaabayaan deegaanka Rafah ee jiidda koonfureed ee Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in la muddeeyay waqtiga uu bilaabanayo hawlgalka dhinaca dhulka ah ee Xamaas lagaga saarayo sida uu yiri Rafah.

Waxa uu sheegay in hawlgalka dhulka isku raranka ah uu muhiim u yahay burburinta Xoogaga Ururka Xamaas.

“Si aynu Xamaas uga adkaano waxaan u baahanahay inaan weerarno Rafah iyo ciribtirka guutooyinka argagixisada ee ku sugan, wayna dhici doontaa. Waxaa jirta taariikh la muddeeyay oo hawlgalka la fulin doono.” Ayuu yiri Netanyahu, inkastoo aanu kala caddayn waqtiga saxda ah ee uu hawlgalku bilaaban doono.

Netanyahu ayaa cadaadis kala kulmaya xisbiyada isbahaysiga la ah xukuumaddiisa, kuwaa oo ka dalbanaya inaanan laga tanaasulin weerarka Rafah.

Wasiirka Amniga Israel, Itamar Ben-Gvir ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Otzma Yehudit ayaa ku hanjabay in ay taageerada kala laaban doonaan Netanyahu, haddii aanay ciidamadu guluf dhinaca dhulka ah ku qaadin Rafah.

Xukuumadda Netanyahu ayay muhiim u tahay taageerada xisbiyada shuraakada kula ah xukuumaddiisa, oo haddii ay taageerada kala laabtaan ay khasab noqon doonto in la qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, waana tan uu Netanyahu ka cararayo.

Mareykanka ayaa Israel iyo Xamaas ku cadaadinaya in ay diiradda saaraan wada hadalada dib uga bilowday Magaalada Qaahira, isla-markaana ay gaaraan heshiis xabad joojin degdeg ah, si colaadda Gaza loo soo afjaro.

Israel oo duulaankeeda ku ballaariso Rafah ayaa kordhin karta carrada dadka gobolka iyo kuwa kale ee dunida ee ku aaddan weeraradeeda Gaza, oo ay ku dhinteen in ka badan 33 kun oo qof, ku dhawaad 76 kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Hoggamiyeyaasha caalamka ayaa si weyn uga horyimid hawlgalka Rafah, si looga fogaado inay cirka isku sii shareerto xiisadda haatan ka jirta Bariga Dhexe, marka aad eegto in duulaankaasi uu soo dedejiyay weerarada Xuuthiyiinta Yemen ee ka dhanka ah maraakiibta mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, xiisadda ka oogan xadka Lubnaan & Israel iyo beegsiga lagu hayo Saldhigyada Ciidamada Mareykanka ee gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc