Home Wararka Caalamka Mareykanka oo mar kale dunida ka yaabiyay

Mareykanka oo mar kale dunida ka yaabiyay

by Laacib

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa xalay ku guuldareystay dadaaladii xalka loogu raadinayay duulaanka Israel ee Marinka Gaza, ka dib markii Mareykanku uu codka diidmada qayaxan ku hor joogsaday dhaqangelinta qaraar ay soo gudbisay Dowladda Brazil.

Qaraarka oo ay u codeeyeen 12 ka mid ah 15-ka xubnood ee golaha ayaa ogolanayay xabad joojin, si Israel ay u joojiso duqaymaheeda baahsan ee Gaza, in gargaarka bani’aadantinimo la gaarsiiyo dadka halkaasi ku go’doonsan iyo inay Xoogaga Xamaas sii daayaan dadkii ay ku soo qafaasheen weerarkii ay 7-dii bishan ka gaysteen dhulka la haysto.

Iyadoo ay sii socdaan duqaymaha baahsan Israel ee dadka faraha badan ku dhimanayaan iyo go’doominteeda Gaza ee xaaladda bani’aadanimo ka dhalatay, Mareykanka ayaa codka diidmada qayaxan u adeegsaday qaraarka lagu waday in goluhu uu ku abuuro xabad joojin bani’aadantimo, si loo samatabixiyo shacabka Falastiiniyiinta.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, haweeneyda lagu magacaabo Linda Thomas-Greenfield ayaa sababta ay u diideen in wax laga qabto xaaladda murugsan ee Gaza ku sheegtay inaanan qaraarkaasi lagu cambaareyn weerarkii Xamaas ee Israel iyo inaanan lagu xusin in Tel Aviv ay xaq u leedahay inay is difaacdo, waxaana xusid mudan in sidoo kale aan qaraarkaasi lagu cambaareyn duqaymaha Israel ka gaysaneyso Gaza, oo ay ku dhinteen 3,478 qof, 12,000 oo kalena ay ku dhaawacantay.

Tani ayaa ka yaabisay hoggaamiyeyaasha gobolka iyo kuwa caalamkaba, iyadoona hoggaamiyeyaasha qaarkood ay dhalleeceeyeen go’aankaasi.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo Arbacadii booqasho ku tegay Tel Aviv ayaa Israel ku taageeray in ay sii waddo gulufkeeda ka dhanka ah Xamaas.

Dhanka kale Madaxweyne Biden ayaa sheegay in Maamulka Israel uu kula heshiiyay in gargaar xadidan la gaarsiiyo Marinka Gaza, si ay dhiig joojin ugu noqoto Falastiiniyiinta wajahaya dhibaatadii ugu darneyd ee soo food-saarta.

Waxa kaloo uu sheegay in Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi uu aqbalay in la furo xadka Rafah, si gargaarka ku xaniban loo gaarsiiyo dadka reer Gaza.

Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in gargaarka ka imaanaya Masar la gaarsiin doono oo keliya koonfurta Gaza.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa lagu sheegay inaanan dhulka Israel wax gargaar ahi looga qaadi doonin Gaza.

Bayaanka waxaa lagu muujiyay in Tel Aviv aysan sidoo kale dib u fasixi doonin adeegyadii biyaha iyo korontada ee toddobaadkii hore laga jaray waqooyiga Gaza, sababtuna tahay in weli afduub loogu haysto muwaadiniinteeda.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in waxa gargaarka iyo adeegyada kale loogu diidan yahay dadka ku harsan waqooyiga Gaza ay tahay Israel oo dooneysa in ay guryahooda kala wareegto, kolka ay xaqiiqsadaan in gaajo loo dilayo.

Marka laga soo taggo in ay jiraan boqolaal kun oo qof oo ka barakacay waqooyiga Gaza, haddana waxaa jira tiro kale oo ku adkeysanaysa in ay dhulkooda ku sii nagaan doonaan.

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa walaac xoog lihi ka muujinaya tallaabada Israel ay ku diidan tahay in ay soo afjarto go’doominta ay muddada dheer ku hayso Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc