Home Wararka Caalamka Mareykanka oo maraakiibta dagaalka iyo ciidamo u diraya Israel

Mareykanka oo maraakiibta dagaalka iyo ciidamo u diraya Israel

by Laacib

Mareykanka ayaa shaaciyay in maraakiibta xambaara diyaaradaha dagaalka iyo shan kun oo askari ay u dirayaan Israel, si ay Israel uga caawiyaan dadaalada ay dib ugu xaqiijineyso amnigeeda, ka dib weerarkii ballaarnaa ee Xoogaga Xamaas.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa sheegay in tani ay ku muujinayaan, sida Washington ay u garab taagan tahay Israel.

“Mareykanka ayaa gurmad maraakiibta dagaalka, diyaarado fara-badan iyo shan kun oo ciidamadeenna badda ah u diraya Israel, si aan ugu muujino taageeradayada Israel.” Ayuu yiri Xoghayaha Difaaca Mareykanka.

Xoghayaha ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu amray in maraakiibtaasi loo dhaqaajiyo Bariga Badda Mediterranean-ka ee u dhow Israel.

Xoghayaha ayaa sheegaya in weerarada dhimashada badan sababay ee Xamaas ay ku dhiirigelinayaan in ay carqaladeyso dadaalada lagu doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka Sacuudiga iyo Israel, ee ay Washington garwadeenka ka tahay.

Fallanqeeyeyaasha ayaa sheegaya dadaalada uu Mareykanka gurmadka ugu fidinayo Israel in ay kaga sii dareyso uun xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.

Dadka u dhuun-duleela arrimaha siyaasadda ee gobolka ayaa ka digaya in tani ay gobolka iyo dunidaba ka abuurto Yahuud naceyb, ayna keeni karto in Israeliyiinta lagu bartilmaameedsado goobo ka baxsan dunida Muslimka.

Dunida ayaa wax la yaab leh ku tilmaamtay weerarka safka ballaaran ee Falastiiniyiintu ka gaysteen dhulka ay Israel xoogga ku haysato, iyadoona uu weerarku fashiliyay awoodda Sirdoonka Israel ee Mossad, oo lagu sheego mid ka mida sirdoonada ugu awoodda badan caalamka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc