Home Wararka Caalamka Mareykanka oo runta u sheegay Israel (Ha weerarin Iran)

Mareykanka oo runta u sheegay Israel (Ha weerarin Iran)

by Laacib

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ugu baaqday Israel inaanay wax weerar ah ku qaadin Iran, haddii kalena ay uga sii dari doonto xaaladda adag ee markii horeba ka jirtay Bariga Dhexe.

John Kirby oo u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in Israel looga baahan yahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si aysan uga falcelin weerarkii dhammaadka toddobaadka ee ay Iran ka gaysatay gudaha Israel.

Ka dib kulankii labaad oo dhowr cisho gudahood ay yeesheen Xubnaha Golaha Wasiirada Israel ee dagaalka ayaa sheegay inay qaateen go’aan ku aaddan in laga jawaabo weerarkaasi.

John Kirby ayaa xalay sheegay in Mareykanku uu ixtiraamayo go’aankooda, haddana uusan doonayn dagaal toos ah oo lala galo Tehran.

“Waan ixtiraamaynaa go’aanka Golaha Wasiirada ee dagaalka, laakiin Madaxweyne Joe Biden wuxuu u cadeeyay inaanan doonayn dagaal buuxa oo lala galo Iran.” Ayuu yiri John Kirby oo CNN la hadlay.

Kirby ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Ma doonayno inaan ballaarino xiisadda taagan, mana doonayno inaan aragno khilaafka oo sii kordhaya.”

Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA, General David Petraeus ayaa sheegay in Washington aysan doonayn in wax saamayn ah uu soo gaaro dhaqaalaha caalamiga ah, isagoona Israel uga digay weerar kastoo aargoosi ah oo ka dhan ah Tehran.

General David Petraeus oo sidoo kale horey u soo noqday Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Ciraaq ayaa carabka ku adkeeyay in Mareykanku aanu ka qayb qaadan doonin, haddii Israel ay ku adkeysato inay weerar ku qaaddo dalka Iran.

Jananka ayaa warkan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa isna Israel ugu baaqay inay is xakameyso, isla-markaana ay ka fogaato weerar kasta oo ay dooneyso inay kaga aargudato Iran.

“Ma doonayno inay xaaladdu faraha ka baxdo, sidoo kale waxaan doonaynaa inaan sii wadno taageerada aan u fidinayno Israel, si ay isu difaacdo iyo inaan ilaalino danahayaga gobolka.” Ayuu yiri Wasiirka oo Isniintii kulan la lahaa Raysal Wasaare Kuxigeenka Ciraaq, Muhammad Ali Tamim, kaas oo ka mid ah wafdi uu hoggaaminayo Raysal Wasaaraha Ciraaq, Mohammed Shia’ Al Sudani oo booqasho ku jooga Magaalada Washington.

Weerar kasta oo Tel Aviv kaga aargudaneyso midkii Tehran ay saddex habeen ka hor ku qaadday gudaha Israel ayaa sii hurin kara xiisadda ka dhex taagan labada dhinac.

Tehran ayaa ku hanjabtay in Tel Aviv ay la kulmi doonto cawaaqib aad u daran, haddii mar kale ay ku soo xadgudubto danaheeda gobolka.

Xiisadda labada dhinac ayaa meeshii ugu sarreysay gaartay, ka dib weerarkii ay Israel 1-dii bishan u gaysatay Xarunta Qunsuliyadda ay ku leedahay Magaalada Dimishiq ee dalkaasi Suuriya, oo ay ku dhinteen 12 qof ah, oo isugu jiray saraakiil ciidan iyo diblomaasiyiin reer Iran ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc