Home Wararka Caalamka Mareykanka oo shaqaalihiisa kala baxaya dalka Niger

Mareykanka oo shaqaalihiisa kala baxaya dalka Niger

by Laacib

Dowladda Mareykanka ayaa ku amartay muwaadiniinteeda kuwooda aan howlaha muhiimka ah u joogin dalka Niger in ay isaga baxaan dalkaasi, toddobaad ka dib markii Ciidamada Militariga ay afgembiyeen Madaxweyne Mohamed Bazoum.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa amartay in diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Mareykanka laga soo daadgureeyo Safaaradda Mareykanka ee Niger.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay Arbacadii amartay in shaqaalaha Mareykanka iyo qoysaskooda ay isaga baxaan Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Caasimadda Niamey.

Wasaaradda ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka inay u socdaalaan dalkaasi.

“Tani waxaan uga gol leenahay inaan taxadar badan muujino, Safaaradduna way sii furnaan doontaa, inkastoo keliya la xididay adeegyadii degdegga.” Ayaa lagu sheegay bayaanka.

Washington ayaan jarin gargaarka dhaqaale ee boqolaalka milyan gaaraya ee ay Niger siiso.

“Mareykanku waxa uu sii ahaanaya mid ay ka go’an tahay xiriirka aanu la leenahay dadka Niger iyo dimoqraadiyadda Niger.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller.

Afhayeenka ayaa waxa kaloo uu yiri “Waxaan sii wadaynaa dadaalka diblomaasiyadeed, welibana heerarkii ugu sarreyay.”

Mareykanka ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada uu militariga ku afgembiyay Madaxweynihii keliya dalkaasi ee sida dimoqraadiyadda lagu soo doortay.

Go’aanka Mareykanku uu shaqaalihiisu uga la baxayo dalkaasi ayaa imaanaya, iyadoo dalalka Yurub ay labadii cisho ee ugu dambeysay shaqaalahooda kala baxayeen dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc