Home Wararka Caalamka Mareykanka oo sheegay in Israel ay bilaabi doonto nooc cusub oo hawlgal ah

Mareykanka oo sheegay in Israel ay bilaabi doonto nooc cusub oo hawlgal ah

by Laacib

La taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Jake Sullivan ayaa Madaxda Israel kala hadlay soo jeedinta Washington, ee ku aaddan in Israel ay wax ka bedesho hawlgalka uu dhiigga badani ku daadanayo ee ka socda Marinka Gaza, inkastoo Israeliyiintu ay ku adkeysanayaan inaanay waxba ka bedeli doonin qaabka uu hawlgalku u socdo.

La taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka oo Jimcihii Warbaahinta kula hadlay Magaalada Tel Aviv ayaa sheegay in Israel ay u gudbi doonto wareegga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Ururka Xamaas.

“Waxaa jiri doona in loo gudbo wareegga labaad ee dagaalka, kaas oo diiradda lagu saarayo habab sax ah, oo lagu beegsanayo Hoggaanka Xamaas iyo xarumaha militariga, iyadoo Israel ay hawlgalkeeda u bedeleyso mid dhanka sirdoonka ah, oo lagu beegsanayo Xamaas.” Ayuu yiri Jake Sullivan.

Mareykanka ayaa sheegaya in Israel ay hawlgalkan ku beegsan doonto Hoggaamiyeyaasha Xamaas, sida Mohammed Deif oo lagu sheegay Madaxa Garabka Militariga Xamaas, ahaana maskaxdii ka dambeysay weerarkii 7-dii October, Marwan Issa oo lagu sheegay Hoggaamiyaha 2aad ee Xamaas iyo Yahya Sinwar, oo Ururka Xamaas ugu magacaaban Gudoomiyaha Marinka Gaza.

Jake Sullivan ayaa tibaaxay in ay Israel u sheegeen inay si dhab ah u beegsato Madaxda Xamaas, iyadoo wax ka bedeleysa duqaymaha baahsan iyo hawlgalka dhinaca dhulka ee ay ciidamadeedu ka wadaan Gaza.

Jake Sullivan ayaa xusay in Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, Xubnaha Golihiisa Wasiirada ee dagaalka iyo Saraakiisha Militariga uu kala hadlay, waxa uu ku sheegay waqtiga ama xilliga kala guurka.

Waxa uu sheegay inaanan loo baahnayn in Israel ay qabsato Marinka Gaza, isagoona hoosta ka xariiqay in kolka dagaalka looga adkaado Xamaas ay tahay in magaalada lagu wareejiyo Maamulka Falastiiniyiinta.

Waxa uu intaasi ku daray in Mareykanka iyo Israel ay yeelan doonaan wada hadalo joogto ah, marka ay qaaddo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee hoos loogu dhigayo khasaaraha dadka rayidka ah iyo kaabeyaasha rayidka.

“Marka ay taasi si sax ah u dhacdo, waxay shuruuddu tahay in Mareykanka iyo Israel ay si xoog leh u sii wadaan wada hadalada u dhaxeeya.” Ayuu yiri Sullivan.

Mareykanka ayaa Israel ku cadaadinaya in ay soo afjarto weerarada baahsan ee Gaza, oo khasaaraha ugu badan uu ka soo gaarayo shacabka aan waxba galabsan.

Yoav Gallant, Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in Israel ay u baahan tahay dhowr bilood, si ay uga takhalusto Xoogaga Xamaas.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay illaa iyo hadda dadka la dilay in ay tiradoodu sii caga-cageynayso ku dhawaad 19,000 oo qof oo rayid ah

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc