Home Wararka Caalamka Mareykanka oo sheegay in Israel ay dooneyso in xabad joojinta sii socoto

Mareykanka oo sheegay in Israel ay dooneyso in xabad joojinta sii socoto

by Laacib

Dowladda Mareykanka ayaa Ururka Xamaas iyo Maamulka Israel ugu yeertay in ay ka sii shaqeeyaan heshiiska xabad joojinta, si loo sii daayo la haysteyaasha, gargaar mug lehna loo gaarsiiyo dadka reer Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa maanta sheegay in Mareykanku uu doonayo in la kordhiyo muddada xabad joojinta.

“Waxaan jeclaan lahayn in xabad joojinta la kordhiyo, maxaa yeelay waxay suurtagelisay ugu horreyn in maxaabiista la sii daayo, guryahooda ay dib ugu laabtaan, qoysaskoodana ay la midoobaan. Waxay sidoo kale ay inoo suurtagelisay inaan gargaar bani’aadantinimo gaarsiino dadka Gaza ee aadka ugu baahan.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo ka hadlayay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Gaashaanbuurta NATO uga socda Magaalada Brussels ayaa sheegay in muddo kordhinta ay muhiim u tahay in la sii daayo maxaabiis badan iyo in kaalmada bani’aadantinimo la gaarsiiyo shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

“Marka kordhintu waxay ka dhigan tahay in dad badan la sii daayo, gargaar badana la gaarsiiyo dadka Gaza. Sida iska cad, sidaas ayaan doonaynaa.” Ayuu yiri Antony Blinken.

Blinken ayaa ka dhawaajiyay in Israel ay qudheeda daneynayso in heshiisku uu sii socdo, isla-markaana ay ku mashquulsan tahay, sidii muwaadiniinteeda ay guryahooda ugu soo celin lahayd.

“Waxaan rumeysanahay in Israel ay sidaasi rabto, waxay sidoo kale aad ugu mashquulsan yihiin inay dadkooda soo ceshadaan. Marka sidaas ayaana ka shaqeynaynaa maalin walba.” Ayuu yiri Blinken.

Dhanka kale Madaxweyne Joe Biden ayaa bartiisa X ku muujiyay in Washington ay damacsan tahay in heshiisku uu sii socdo.

Madaxweyne Biden ayaa tilmaamay in dad fara-badan oo lagu laayo Marinka Gaza uu u adeegayo fekerka Ururka Xamaas.

“In ay sii socdaan falalka argagixisada, rabshadaha, dilka iyo dagaalka waa in la siiyo Xamaas, waxa ay rabaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Biden ayaa u muuqdo mid haatan ka soo dabcay hadaladiisii hore, ee uu ku garab istaagayay duulaanka Israel ee Gaza iyo taageeradiisa indho la’aanta ee Tel Aviv.

Heshiiska xabad joojinta oo afar maalmood ahaa ayaa laba maalmood lagu kordhiyay maalintii Isniinta, lixda maalmood ee heshiisku uu socday ayaana ku eg maanta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc