Home Wararka Caalamka Mareykanka oo sheegay in lagu dhow yahay in la sii daayo la haysteyaasha Gaza

Mareykanka oo sheegay in lagu dhow yahay in la sii daayo la haysteyaasha Gaza

by Laacib

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in lagu dhow yahay in heshiis laga gaaro dadaalada lagu doonayo in lagu soo samatabixiyo dadka lagu haysto Marinka Gaza.

Aqalka Cad ayaa sheegay in wada hadalada oo meel wanaagsan maraya ay rajeynayaan in Xoogaga Xamaas ay oodda ka qaadaan la haysteyaasha reer Israel.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, John Kirby ayaa sheegay in dadaalada socda ay gaareen heerkii ugu sarreyay, sida uu yiri.

Afhayeenka ayaa Wariyeyaasha u sheegay in Aqalka Cad uu rajo ka qabo in heshiis la gaari karo, balse ay jiraan waxyaabo u baahan in la dhameystiro.

“Waxaa jirta shaqo u baahan in la qabto, waxna lama qaban illaa inta dhammaan laga dhameystirayo amaba laga dhameynayo. Marka waxaan sii wadaynaa inaan ka sii shaqayno arrintan.” Ayuu yiri John Kirby.

John Kirby ayaa sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu ku baaqayo in sharciga caalamiga ah lagu ixtiraamo Gaza, lana kordhiyo gargaarka bani’aadantinimo ee la gaynayo Marinka Gaza, iyadoo la sameynayo sida uu yiri xabad joojin bani’aadantinimo.

Mareykanku kuma baaqin xabad joojin dhameystiran oo si buuxdo uga dhaqangasha Gaza.

Si kastaba ha-ahaatee wada hadalada socdo ayaa laga leeyahay in dib xorriyadooda loogu siiyo 240 qof oo reer Israel ah, balse qaarkood haysta laba dhalasho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc