Home Wararka Caalamka Mareykanka oo sheegay in weerar ballaaran kala kulmeen Xuuthiyiinta Yemen

Mareykanka oo sheegay in weerar ballaaran kala kulmeen Xuuthiyiinta Yemen

by Laacib

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa sheegay in ciidamadooda ay ka hortaggeen weerarkii ugu ballaarnaa ee lagu qaado maraakiibta ku sugan Badda Cas.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in Ciidamada Badda Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ay soo rideen 18 diyaaradood oo kuwa bilaa duuliyaha ah iyo saddex gantaal, oo lagu weeraray markab ay leeyihiin oo Xuuthiyiinta Yemen ay ku weerareen sida ay sheegeen koonfurta Badda Cas.

“Diyaarado hal jiho ah oo ay Iran nashqadeysay, gantaalaha nooca badda iyo kuwa balaastikada ah oo laga soo riday dhanka deegaanada Xuuthiyiinta ka taliyaan ayaa lagu weeraray markabkeenna.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Dhexe oo intaasi raaciyay “18 diyaaradood, laba gantaalo oo kuwa badda ah iyo gantaal kale oo nooca balaastikada ah ayaa la soo riday.”

Taliska ayaa sheegay inuusan jirin wax dhaawac oo askarta ah ama burbur soo gaaray markabka dagaal, iyagoo intaa ku daray in weerarkan uu noqonayo kiisii 26aad ee ay Xuuthiyiinta ka gaystaan marinada ganacsiga ee Badda Cas, tan iyo bishii November.

Wasiirka Difaaca Ingiriiska, Grant Shapps ayaa weerarka ku tilmaamay midkii ugu weynaa ee ka dhaca Badda Cas, tan iyo bishii November, markaas oo Xuuthiyiinta ay bilaabeen inay weeraraan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee lala xiriiriyo Dekedaha Israel.

“Tani waa xaalad aan la sii waarin karin, bal fiiri goobtan waxa ka dhacaya.” Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Ingiriiska oo Warbaahinta la hadlay.

Wasiirka ayaa sheegaya in Ingiriiska iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fiirsanayaan tallaabada suurtagalka ah ee laga qaadi karo Xuuthiyiinta Yemen, si loo ilaaliyo buu yiri badqabka marinada maraakiibta caalamiga ah ee Badda Cas.

Markabka dagaal ee la weeraray ayaa lagu magacaabaa USS Dwight D Eisenhower, waana markab nooca diyaaradaha dagaalka xambaara ah.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa markabkan iyo afar markab oo kale oo lagu kala magacaabo USS Gravely, USS Laboon, USS Mason iyo HMS Diamond u diray Badda Cas, si looga hortaggo weerarada Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsi ee laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee badeecadaha geeya dekedaheeda.

Shirkadaha xamuulka badda ee ugu waaweyn dunida ayaa maraakiibtooda ka weeciyay Badda Cas, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta weerarada sii kordhaya ee Xuuthiyiinta.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan hawlgaladooda Badda Cas, illaa iyo inta ay Israel ka aqbaleyso in ay soo afjarto gardaradeeda Gaza, si buuxdana ay u fasaxeyso gargaarka sida weyn loogu baahan yahay.

Duulaanka muddada saddexda bilood ka badan ee Israel ku hayso Gaza ayaa waxaa muuqata in gobolka uu ku riixayo in dagaalka uu ku fido.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc