Home Wararka Maanta Mareykanka oo sheegay inuusan xumaan doonin xiriirka ay leeyihiin Koonfur Afrika

Mareykanka oo sheegay inuusan xumaan doonin xiriirka ay leeyihiin Koonfur Afrika

by Laacib

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inaanu waxba iska bedeli doonin xiriirka kala dhaxeeya Koonfur Afrika, inkastoo ay Israel ka soo gudbisay dacwad ah in ay xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza.

Mareykanka ayaa bilowgii bishan ka codsaday Koonfur Afrika in ay ka laabato dacwadda ka dhanka ah Israel ee ay u gudbisay Maxkaamdda Caddaaladda Caalamiga ah, inkastoo ay Koonfur Afrika iska diiday.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo socdaal ku maraya afar dal oo Afrika ah ayaa sheegay in xiriirka Washington iyo Pretoria uu yahay mid ballaaran oo muhiim ah.

“Koonfur Afrika waxaan leenahay xiriir aad muhiim u ah, waana xiriir ballaaran oo qoto dheer oo daboolayo arrimo badan.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Marka aan isku qabano hal arrin oo gaar ah, ma ahan wax ka badan shaqada muhiimka ah ee aan wadaagno.”

Blinken ayaa Koonfur Afrika ku gacan-seyray eedeymaheeda ah in Israel ay xasuuq ka gaysatay Gaza.

Israel ayaa horaan Koonfur Afrika ku eedeysay in ay dhanka sharciga ku difaaceyso Xamaas, balse Koonfur Afrika ayaa sheegtay in Israel ay tahay in caddaaladda ay wajahdo, sababo ku aaddan dhiigga ay gacmaha kula jirto.

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ayaa lagu wadaa in maanta ay soo saarto go’aan horudhac u ah dacwadda ay Pretoria ka keentay Tel Aviv.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc