Home Wararka Maanta Mareykanka oo u hanjabay Xuuthiyiinta iyo Yahya Saree oo ka jawaabay

Mareykanka oo u hanjabay Xuuthiyiinta iyo Yahya Saree oo ka jawaabay

by Laacib

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa si adag uga jawaabay hanjabaad kaga timid Mareykanka, ka dib markii Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ay xalay dalkaasi ka fuliyeen weerarkii afaraad, oo ay si wadajir ah isaga kaashanayeen.

Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa sheegay in weeraradan ugu dambeeyay ay ula jeedaan in lagu wiiqo awoodda Xoogaga Xuuthiyiinta, isagoona ku hanjabay in duqaymaha xagga crika ee ka dhanka ah Xuuthiyiinta ay sii socon doonaan, illaa iyo inta ay ka joojinayaan weerarada ay ka wadaan Badda Cas.

Wasiirka ayaa sheegay in Xuuthiyiinta ay qaadi doonaan masuuliyadda, wixii cawaaqib ah ee ka dhasha weerarada ay ku waxyeeleynayaan dhaqaalaha gobolka.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan u caddeeyo Xuuthiyiinta inay qaadi doonaan cawaaqibka, haddii aysan joojin weeraradooda sharci darrada ah ee waxyeelada u gaysanaya dhaqaalaha Bariga Dhexe, waxyeelada ay u gaysanayaan deegaanka, carqaladeynta gaarsiinta gargaarka bani’aadantinimo ee Yemen iyo dalalka kale.” Ayuu yiri Wasiirka.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree oo ka falcelinayay warka Mareykanka ayaa ku hanjabay in ururku uu si macno leh uga jawaabi doono kororka weerarada Mareykanka iyo Ingiriiska.

“Waxaan ku adkeysanaynaa ilaalinta waajibaadkayaga diimeed, akhlaaqeed iyo bani’aadantinimo ee ku aaddan shacabka Falastiiniyiinta.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka oo Warbaahinta ka soo muuqday ayaa sheegay in weerarada kaga imaanaya xulafada Mareykanka aysan hakin doonin hawlgaladooda militari ee Badda Cas, haddii aysan Israel joojin duulaankeeda Marinka Gaza iyo is hortaaggeeda gurmadka bani’aadantinimo ee la gaarsiinayo dadka rayidka ah.

“Weerarada nooga imaanaya cadowga ma joojin doonaan hawlgalada militari ee aynu ka wadno Badda Cas, haddii aan la joojin duulaanka Maamulka Sahyuuniyadda iyo go’doominta ay ku hayaan shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.” Ayuu yiri Yahya Saree.

Yahya Saree ayaa sheegaya in reer galbeedka ay u howl yar tahay inay joojiyaan weerarada ay Israel ka waddo Gaza, bedelkii ay colaadin lahaayeen Xuuthiyiinta, taas oo uu sheegay inay xiisadda uun kaga sii dareyso.

Wakaaladda Wararka AP ayaa sheegtay in tan iyo 19-kii bishii November ay Xuuthiyiintu qaadeen 57 weerar oo ka dhan ah maraakiibta ganacsiga iyo kuwa dagaalka ee ku sugan Badda Cas & Gacanka Cadmeed.

Xuuthiyiinta ayaa inta badan weeraradoodan qaaday, wixii ka dambeeyay 12-kii bishii January, markaas oo Mareykanka iyo Ingiriiska ay bilaabeen bartilmaameedyo ka dhan ah Xuuthiyiinta. Xuuthiyiinta ayaana weeraradaasi ku beegsaday maraakiibta laga leeyahay dalalkaasi.

Xuuthiyiinta ayaa Axaddan oo ugu dambeysay sheegay inay weerareen markabka ganacsi ee Torm Thor, kaas oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

War ka soo baxay Xuuthiyiinta ayaa lagu sheegay in xoogagooda ay gantaalada lidka maraakiibta ku garaaceen markabka nooca kiimikada iyo saliidda ee Torm Thor, xilli uu marayay Gacanka Cadmeed.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al-Houthi ayaa ku celceliyay in joojinta weeraradooda maraakiibta Badda Cas ay ku xiran tahay keliya Israel oo soo afjarto weeraradeeda cadowtinimada ah ee ay ka waddo sida uu yiri Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc