Home Wararka Caalamka Mareykanka oo ugu dambayn aqbalay inay Ukraine siiyaan taangiyada Abrams

Mareykanka oo ugu dambayn aqbalay inay Ukraine siiyaan taangiyada Abrams

by Laacib

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday in ay Ukraine siin doonto taangiyada casriga ah M1 Abrams ee Mareykanku uu farsameeyo.

Washington ayaa shaacisay inay Ukraine siineyso kaalmo militari oo hor leh, si ay isaga caabiso weerarada Ciidamada Ruushka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo booqasho laba maalmood qaadaneysa ku jooga dalkaasi ayaa ku dhawaaqay kaalmadan oo gaareysa hal bilyan oo dollar.

Isagoo Warbaahinta kula hadlayay Caasimadda Kyiv ayaa waxa uu sheegay in gargaarka uu isugu jiro sideed boqol oo milyan oo dollar ($800M) oo taageero militari ah iyo mid bani’aadantinimo.

Waxa uu sheegay in kaalmada militari ay qayb ka tahay boqol shan iyo toddobaatan milyan oo dollar ($175M) oo hubka Mareykanku farsameeyo iyo boqol iyo labaatan milyan ($120M), oo ah taangiyada M1 Abrams oo dalkaasi la gayn doono daba-yaaqada sanadkan.

Waxa uu intaasi ku daray in kaalmadani ay ku jiri doonto qalabka difaaca hawada, lidka taangiyada iyo weliba rasaas fara-badan.

Antony Blinken, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in dalkiisu ay ka go’an tahay in Ukraine laga taageero fashilinta duulaanka Moscow.

“Mareykanka waxaa ka go’an inuu Ukraine awood u siiyo in mustaqbalkeeda ay go’aan ka gaarto, dagaalka joogtada ah iyo duulaanka bahalnimada ah ee Putin.” Ayuu yiri Xoghayuhu.

“Mareykanka iyo Ukraine waxay yeesheen iskaashi ka xoog badan sidii hore, maalin kastana sii koraya, waxaana sii wadaynaa garab istaagayaga Ukraine, maantana waxaan ku dhawaaqaynaa kaalmo cusub, oo wadarta guud ka badan hal bilyan oo dollar, tani oo qayb ka ah dadaalkeenna wadajirka ah.” Ayuu sii raaciyay Blinken.

Moscow ayaa si adag u cambaareysay tallaabada Kyiv loogu hubeynayo taangiga Abrams, oo sida la sheegay aan bartilmaameedkiisu seegin.

Bishii March oo ugu dambeysay waxay Washington sheegtay inaanay taangiyadeeda casriga ah ugu deeqi doonin Ukraine. Is bedelka ku yimid go’aankooda ayaa u muuqda mid ay ku doonayaan in Ukraine ay is bedel ka sameyso furimaha dagaalka.

Kyiv ayaa muddo dheer codsaneysay in taangiyadaasi la soo gaarsiiyo dalkeeda, codsigaas oo wax badan uu Mareykanku ka warwareegay.

Tani ayaa imaanaysa, xilli Madaxweyne Vladimir Putin uu Isniintii sheegay in Ukraine ay ku guuldareystay weeraradeeda rogaalcelinta ee xagaaga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc