Home Wararka Caalamka Mareykanka oo Ukraine u raraya bam dunida laga mamnuucay

Mareykanka oo Ukraine u raraya bam dunida laga mamnuucay

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay inay go’aansadeen in ay Ukraine siiyaan bambada wax gumaadda ee Cluster, tani oo liddi ku ah baaqyadii ay dadka xuquuqda aadanaha u dooda ka soo saareen in dunida si buuxdo looga mamnuuco bambadaasi, oo ay sheegeen in ay khatar ku tahay nolosha dadka rayidka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa difaacay go’aankiisan oo uu ku sheegay inuu yahay mid adag, balse ay ka dowlad ahaan go’aansadeen in loo diro Ukraine, si ay isaga caabiso duulaanka Ruushka.

Waxa uu sheegay inuu muddo dheer ka fiirsanayay tallaabadan, balse uu markii dambe ku dhiiraday, isagoo fahamsan in Ukraine ay rasaasta ka sii dhammaaneyso, xilligan ay sameynayso weeraro rogaalcelin ah, sida uu yiri.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay CNN ayaa bidhaamiyay in bambooyinka rucubka ah ee uu Mareykanku farsameeyo ay ka ammaan badan yihiin kuwii hore ee Ruushku u adeegsan jiray dagaalka.

Waxa uu intaasi ku daray in tani uu wadatashi ka geliyay xulafada NATO, iyadoo Hoggaamiyeyaasha NATO uu Talaadada shir laba maalmood soconayo uga furmi doono dalka Lithuania.

La taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Jake Sullivan ayaa yiri “Waan garwaaqsanahay in bambaanooyinka laba qarxa ay abuurayaan khatar waxyeelo ka soo gaarto rayidka.”

Jake Sullivan oo Warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad ayaa yiri “Tani waa sababta aan intii muddo ahba dib ugu dhigaynay go’aankayaga, balse waxaa kaloo jirta khatar weyn oo waxyeelo ka soo gaareyso shacabka Ukraine, haddii Ciidamada Ruushka ay sii wadaan gulufkooda ay ku qabsanayaan dhulka Ukraine ee la qarameyay, oo rayid badan oo reer Ukraine ah lagu hoos-gaynayo Ruushka.”

Bambada Cluster ayaa qayb ka ah kaalmo militari oo hor leh oo ay ku jiraan gawaarida gaashaaman iyo gantaalada lidka taangiyada oo Mareykanka uu u rarayo dalkaasi, sida ay shaacisay Pentagon-ka.

Bamka ayaa waxa uu mid kasta ka kooban yahay boqolaal walxaha qarxa oo yaryar oo ku faafa goobaha la bartilmaameedsado, inkastoo walxahaasi aanay dhammaantood wada qarxin, iyadoo kuwooda aan qarxin ay muddo dheer ku sii jiri karaan dhulka, waana taas khatar weyn ee laga digayo ee ka dhanka ah rayidka, gaar ahaan carruurta.

Heshiiska dunida looga joojinayo bamkan ayaa waxaa saxiixay 120 dowladood. Dowladahaasi kama mid ahan Mareykanka, Ruushka iyo Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa bogaadiyay go’aanka adag ee Aqalka Cad, oo uu ku tilmaamay mid waqtigii saxda ahaa lagu soo beegay, inkastoo kooxaha xuquuqda aadanaha iyo qaar ka mid ah dimoqraadiyiinta ay dhalleeceeyeen go’aankaasi.

Qaramada Midoobey iyo Jarmalka oo xubin ka ah Gaashaanbuurta NATO ayaa si adag uga horyimid go’aanka uu Mareykanku uu bambadaasi ugu daabulayo Ukraine.

Xoghayaha Guud ee NATO, Jens Stoltenberg ayaase sheegay in dalalka xulafada aan looga baahnayn inay mowqif gaar ah ka qaataan arrintan, dal kastana ay tahay in siyaasaddiisa uu u madaxbannaanaado.

Si kastaba ha-ahaatee waxaa la eegaya waxa ay noqon doonto falcelinta Ruushka, iyadoona ay dad badani ka walaacsan yihiin in tani ay kaga sii darto xaaladda dalkaasi Ukraine.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc